Wafdiga Qatar waxay caawa la kulmayaan ururka musharixiinta – Axadle

Muqdisho (Axadle) – Kulan u dhexeeya xubnaha midowga musharixiinta mucaaradka Soomaaliya iyo wafdi ka socda Qatar oo dhawaan soo gaaray Soomaaliya ayaa caawa ka socda Hotelka Decale oo ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Caasimadda Muqdisho.

Wafdiga waxaa hogaaminaya Wakiilka Gaarka ah ee Wasiirka Arimaha Dibada Qatar, Dr. Mutlaq Al-Qahtani, waxaana musharixiinta la sheegay inay ka wada hadlayaan qalalaasaha doorashada ee ka taagan Soomaaliya.

Wefdiga ka socda Qatar waxay soo gaareen Caasimadda Muqdisho xalay markii ay shalay ka ambabaxeen magaalada Hargeysa waxayna bilaabeen dadaalo lagu xallinayo khilaafka doorashada ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta ku qaabilay xafiiskiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar ee dhexdhexaadinta iyo ladagaalanka argagixisada Multaq Alqahtani iyo diblomaasiyiintii la socotay. Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaalanka argagixisada iyo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Waxay sidoo kale si gooni gooni ah ula kulmeen gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya iyagoo ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan doorashooyinka lagu muransan yahay iyo xoojinta xiriirka labada dowladood.

Waa kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan saraakiisha sarsare ee Qatar iyo Midowga Musharixiinta Soomaaliyeed, dowladda Qadar ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin laheyd inay dhex dhexaad ka tahay xiisadaha doorashada Soomaaliya, isla markaana aysan jirin koox gaar ah. .

In muddo ah dowladda Qadar waxay ka faa’iideysatay inay si dhow ula shaqeyso dowladda waqtigeedu dhammaaday ee Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo, laakiin hadda waxay ku howlan tahay sidii ay meesha uga saari lahayd aragtidaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More