Trump & Marwadiisa oo laga helay Covid-19! – AxadleTM

Mareykanka Mareykanka Donald Trump iyo Marwadiisa Melanie Trump oo saacadihii lasoo dhaafay la sheegay in ay karaantiil galeen kadib markii qof la socday uu ku dhacay Coronavirus ayaa ugu dambeyn la shaaciyay in uu haleelay Fayruska.

Trump iyo Melanie ayaa galay xaalad karaantiil 14-Cishe ah, iyaga oo qaadanaya dawooyinka gaarka ah ee kaalmaatiga u ah dadka uu ku dhacay xannuunka Coronavirus si gaar ah waxaa ula soconaya dhaqaatiirta u goonida ah.

Waxa ay kasoo laabteen dooddii Joe Biden ee 90-ka daqiiqo socotay ee loolanka Doorashada todobaadka ka dhiman ka lahaayeen, balse waxaa lagu wargeliyay in qof kamid ah howlwadeenada la socday uu ku dhacay xannuunka Covid-19.

Teleefishinka Fox News ayaa sheegay in markii hore Marwada Trump uu ku dhacay cudurka, balse Trump oo jawaab suge ah laga sheegay in uu qaaday fayruska, waxaana karaantiil la geliyay mas’uuliyiintiisa amnigiisa sida gaarka ah gacanta u geysay ee la socotay.

Trump wax shaqo ah ma qabanayo oo dhanka ololaha loolanka doorashada tan iyo 15-ka Bishaan Oktoobar oo ku beegan muddada xili huuriska cudurka Covid-19, haddii jirkiisa uu kusii jiro waqti kale ayuu qaadan doonaa sida waaxda caafimaadka ay sheegtay.

Stephen Millet oo ah la taliyaha sare ee Hogaamiyaha ayaa sheegay in in uu kasoo caafimaaday cudurka Covid-19, sidaas oo kale ayuu u rajeeyay Trump in uu ka bogsado sida uu u xaqiijiyay Warbaahinta.

Mareykanka ayaa laga diiwaangeliyay kiisaska ugu badan ee xannuunka Covid-19, bilooyin kahor waxa uu maray karaantiil iyo baaris joogto ah, kadib markii uu la kulmay madax ka socotay Brazil oo hannuunka jirkooda laga helay kulanka kadib.

Saameyn intee la eg ayuu xannuunka ku dhacay Trump ku yeelan karaa doorashada uu ku guda jiro loolankeeda?

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More