Skip to content
Tuesday, November 3, 2026 22 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:30
Muqdisho 25°C
Breaking: Warbixin ay soo saartay NUSOJ oo muujisay dhibaatayn baahsan iyo xaalado shaqo oo liita oo wajahaya weriyeyaasha haweenka ah ee Soomaaliya
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Maxaa looga hadlay kulanka uu maanta Rooble la qaatay wakiil…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulamo gooni-gooni ah la yeeshey qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, xili lagu gudo jiro u diyaar garowga doorashooyinka dalka.

- Advertisement -

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Ergayga gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen, oo ay ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka dalka.

Rooble ayaa uga warbixiyey Nicolas iyo Heidi halka ay marayaan dadaalada doorashooyinka dalka, oo qaarkood la filayo inay qabsooman dhamaadka bisha aan ku jirno ee July.

Safiirada ayaa ayaguna dhankooda uga mahad-celiyay Ra’iisal wasaaraha dadaalkiisa ku aadan sidii dalka uga qabsoomi laheyd doorasho wada-ogol, oo uu asaga hormuud u yahay.

Kulanka Rooble ee Safiirada Midowga Yurub iyo Norway ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshaha ay xukuumadiisa si dhow ugala socod-siineyso Beesha Caalamka arrimaha doorashooyinka, maadama ay yihiin dhinacyada u badan ee bixinaya qarashaadka doorashooyinka.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes