Maxaa horyaalla RW Rooble muddo xileedka 140-ka Cishe ah?

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul wasaaraha kalsoonida maanta weydiisanaya Golaha Shacabka BFS waxaa horyaalla howlo shaqo oo ay ugu weyn tahay Doorashada dhawaan lagu heshiiyay nuuca ay noqoneyso iyo qaabka ay u dhaceyso.

Prof Maxamed Xasan Doob oo la hadlay Axadle ayaa sheegay in Maxamed Xuseen Rooble howlo badan horyaallaan waxaana kamid ah hirgelinta 15-ka qodob oo ay ku heshiiyeen Madaxda DFS & DG.

Doob ayaa sheegay in haddii uu dajiyo qorshooyin siyaasiyeed iyo amni in ay u fududaandoonto ka gudubka culeyska Siyaasadeed, balse haddii aysan dhicin taa xaaladdu ay kusii adkaan doonto Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya.

“Howl aad u baaxadweyn ayaa hortaalla oo guul iyo duuldarro wadata, waxaana ugu weyn 15-ka qodob ee heshiiska Madaxda DFS & DG, Doorashada, Amniga, Siyaasadda, Xubnaha Mucaaradka iyo kasbashada dadka” ayuu yiri Prof Maxamed Xasan Doob.

waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Haddii loo madax-banaaneeyo howsha shaqo oo aysan lugaha ka qaban Madaxweynaha, Baarlamaanka & Dowlad Goboleedyada, waa uu ku guuleysan doonaa waxa laga rajeynayo, balse haddii uu la yimaado qorshooyin Siyaasadeed iyo amni, isla markaana si feejigan wax waliba u eego waa uu ka gudbi doonaa culeyska muuqda”.

Waxyaabaha laga doonayo in uu ka fogaado si uusan ula kulmin fashil siyaasadeed waxaa kamid ah, ka fikirta xubnaha Wasiirada ah ee uu usoo xulayo shaxda xukuumadda xaaladda adag kala shaqeyneysa.

Waxaana looga digay in uu isku milo Laamaha Xeer dejinta iyo fulinta si lamid ah ra’iisul wasaarihii xilkaan uga horeeyay ee Xasan Cali Khayre oo caqabad culeys siyaasadeed arrintaas ku noqotay sida uu markale sheegayo Maxamed Xasan Doob.

“Kala ilaalinta Laamaha Xeer dejinta (Baarlamaanka) iyo Fulinta (Wasiirada), waa in uusan soo xulan Xildhibaannada marka uu helo codka kalsoonida, waana mid dhaawaceysa madax banaanida hay’adaha Dowladda, Indhihiisu waa in ay qabtaan dadka kasoo bixi kara boosaskaas ee bannaanka ka ah Golaha Shacabka” Ayuu sii raaciyay Prof Doob.

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka hadlay Kulamo gaar gaar ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa dalbaday in lala shaqeeyo Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Taageerada ay u muujinayaan Rooble haddii uu ficil yeesho waa uu ka gudib doonaa caqabadaha horyaalla, balse haddii arrinku uu noqdo qawda maqashii waxna ha u qaban xaaladdu waa ku cuslaan doonaa sida dadka qaar ay aaminsan yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More