Isku dhac sababay dhimasho iyo dhaawac oo Turkiga ku

Sida ay tabisay warbaahinta Turkiga, isku dhac ayaa dhexmaray Labo oo Ciidan oo Soomaali iyo Turki ah kuna ku tababaranayay Xero Ciidan oo ku taalla Gudaha Dalkaas, kadib markii ay isku dhaceen.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhimatay 25-ruux oo labada dhinac ah, kadib markii waxyeelo halis ah kasoo gaartay waxyaabaha ay isu adeegsadeen inta uu socday dagaalkooda sida ay tabisay Warbaahinta.

Dhaawaca lama soo sheegin inta uu gaasiisan yahay waxaase jira shaqsiyaad dhaawacyo halis ah soo gaaray iyo kuwa ku sugan Xaalad dhexdhexaad ah, waxaana hadal heysa Warbaahinta Gudaha Turkiga iyo tan liibiya.

Askartaan ayaa tababar ahaan loo geeyay Xero Ciidan oo ku taalla Bartamaha Magaalada dhacda Galbeedka Turkiga ee Isparta, waxa ay isu adeegsadeen Mindiyo, maadaama gacantooda aan ku jirin hub.

Sidoo kale, Warbaahinta Liibiya waxa ay sheegtay in dagaalka uu ka bilawday kadib markii Askari Siiriyaan ah lagu weeraray Mindi, wixii xiligaas ka dambeeyay uu isu badalay mid u dhaxeeya Soomaalida iyo Liibiyaanka Tababarka Ciidan u xareysan.

Lama kala caddeyn cidda mindida ku weerartay Askariga Suuriyaanka ah ee la sheegay in uu ka bilawday dagaalka sababay dhimashada 25-ka ruux iyo dhaawaca intaas ka badan ee lagu daweynayo goobaha Caafimaadka.

Turkiga ayaa tababara Ciidamada Dalalka Soomaaliya, Liibiya iyo Suuriya oo lagu eedeeyay in uu u adeegsado fulinta daniisa gaarka ah ee waddamada colaadda iyo dagaalada sokeeyay galay ee ay joogaan howlwadeeno ka socda.

Xukuumadda Ankara ayaa marar kala duwan iska fogeysay in Ciidamo Soomaali ah ay geysay gudaha Liibiya oo ay u adeegsaneyso dagaalka ka dhanka ah Khaliifa Xaftar, sidoo kale waxaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay DFS.

Isha: Libya Akhbar / Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More