Skip to content
Sunday, October 4, 2026 21 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:35
Muqdisho 25°C
Breaking: Mustafa Omar Begins Second Leadership Term With Renewed Mandate and Promise of Progress
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Doorashada xildhibaanada BF ee Koonfur Galbeed oo la geeyey …

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Baydhaba (Axadle) – Guddiga doorashada heer maamul gobaleed ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegay in la dejiyay, islamarkaana lagu amray in ay ku shaqeeyaan Madaxtooyada Maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan qeybta degaanka u ah Madaxweyne Lafta-gareen.

- Advertisement -

Ilo wareedyo kala duwan ayaa Axadle u sheegay in guddiga la siiyay qolkii fadhiga ee Madaxweyne Lafta-gareen, halkaasoo la sheegay in ay noqon doonto xafiiskooda ugu weyn oo ay ka maamulayaan doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Siyaasiin badan oo mucaarad ah ama ka aragti duwan Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Axadle u sheegay in guddigaan la awooday in la siiyo qolal kale oo ka tirsan Madaxtooyada qeybaheeda shaqada ama xafiisyada ah, halkii la dejin lahaa qeybta degaanka u ah Madaxweyne Lafta-gareen.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ujeedada arrintaan ay tahay in la boobo doorashada Xildhibaanada iyo in aysan guddiyada u shaqeynin si madaxbanaan. 

Sidoo kale xogta ayaa tilmaamaysa in guddiga heer federaal uu ku qasbanaan doono inuu la dago iyo in uu la shaqeeyo guddiyada heer dowlad gobaleed markii ay tagaan magaalooyinka ay ka dhacyso doorashada baarlamaanka ee maamul gobaleedyada dalka.

Sanadkaan waxaa cabsi weyn laga qabaa in uu musuq maasuq xoog leh hareeyo doorashada Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudantahay in Lafta-gareen uu yahay Madaxweynaha ugu daacadsan taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo kadib markii doorasho dhiig ku daatay Laftagareen lagu geeyay Baydhabo daba-yaaqada sanadkii 2018-kii. 

How do you rate this story?

0 votes