DFS oo sheegtay in ay dishay Madaxii Hoobiyaasha Al-Shabaab

Taliyaha Ururka 143-aad ee CXD Soomaaliya Dhamme Axmed Xasan Siyaasad oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeelaha Hoose lagu dilay sarkaal Al-Shabaab muhiim u ahaa.

Dhamme Axmed Xasan ayaa sheegay in sarkaalka la dilay & Ilaalo la socotay ay ku sugnaayeen deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose, isla markaana Ciidanka fuliyay weerarka ay heleen xogtiisa.

Sarkaalkaan la dilay waxa uu taliska Militariga Soomaaliya ku sheegay in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa weerarada Hoobiyaasha loo adeegsado ee ka dhaca Gobolka Shabeelaha Hoose DG Koofur Galbeed.

Taliyaha Ururka 143-aad ee CXD Dhamme Axmed Xasan Siyaasad ayaa sheegay in sarkaalka iyo 16-kale oo katirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgalkaan ka dhacay deegaanka Bariiri ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Magaca sarkaalka Al-Shabaab ee la dilay waxa ay Dowladda Federaalka ku sheegtay Abuu Nuur Mukhtaar oo ku magac dheer Gaabshe, saraakiisha ayaa sheegay in ninkaan uu muddo qaabilsanaa tuurista hoobiyaasha.

Al-Shabaab kama aysan hadlin howlgalkaan, maalmihii lasoo dhaafay Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa ka socday howlgal Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka sameynayaan deegaanno dhowr ah oo katirsan Gobolkaas.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More