Deni oo Bil kadib ka safray Muqdisho, muxuu yahay ujeedka

Hogaamiyaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Muqdisho soo gaaray 1-dii Bishii September ayaa maanta bil kadib ka safray Caasimadda dalka, si uu u guda galo safar gaar u ah oo uu ku aaday Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Deni ma uusan sii dhaafin in uu socdaalkiisa gaar yahay, sidoo kale ma shaacin muddada uu qaadanayo iyo cidda wehlisa, balse kaliya waxa uu tilmaamay in uu gaarayo Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

“Waxa aan maanta safar gaar ah ugu baxayaa Magaalada Muqdisho, kadib muddo bil ah oo aan joogay caasimadda howlo la xiriira arrimaha doorashada & Geedi socodka dalka” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Waxa uu dul istaagay in heshiiska siyaasadeed iyo wada-xaajoodka muddada bisha ah ee uu u joogay Magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay in guullo muhiim ah laga gaaray is afar garadka wadahadalka DFS & DG.

Kulamo siyaasadeedyo ayuu sheegay in Muqdisho uu kula yeeshay muddada bisha ah ee uu joogay, dhinacyada uu qaabilay waxaa kamid ah: Madaxweyne Farmaajo, Hogaamiyayaasha kale ee DG, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoonka labada Gole, Xildhibaanno, Senataro, Xubnaha Mucaaradka iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada.

“Muqdisho muddada aan joogay waxa aan qayb ka ahaa hogaamiyayaasha saldhigtay doorashada, xiliga ay dhaceyso iyo heshiiska kawada shaqeynta dardargelinta geedi socodka dalka, waxaana rajeynayaa in doorashada dalka ay ku dhici doonto xasilooni iyo midnimo, khilaaf waliba lagu xaliyo wadahadal, wadajirna looga shaqeeyo amniga oo laf dhabar u ah dhamman howlaha loo baahan yahay in la sameeyo” Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Deni.

Siciid Deni ayaa marka uu dhameysto howlaha uu u aaday Magaalada Nairobi waxa uu dib ugu laaban doonaa Magaalada Garoowe, maadaama laga sugayo maamulkiisa xubnaha Guddiga doorashada ee la shaqeynaya guddiga heer Dowlad Goboleed ee doorashooyinka 20/21.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More