“Caasimadda Hir-Shabeelle lama badali karo, balse hoggaanka Haa” Xildhibaan Dhoore.

Xildhibaan CIsmaan Cabdullaahi Dhoore Duwane oo kamid ah Baarlamaanka muddo xileedkoodu sii dhamaanayo ee DG Hir-Shabeelle oo la hadlay Axadle ayaa ka xog-warramay muranka ka taagan Beesha qaban karta kursiga Hogaamiye maamulkaas.

Dood la xiriirta Cidda leh qabashada kursiga Hogaamiye Hir-Shabeelle ayaa maalmihii dambe soo ifbaxay, waxaana dhexda uga soo dhacay Madaxweynihii 1-aad ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Cosoble ayaa sheegay in xal loo arkay in kursiga Hogaamiye Hir-Shabeelle kaliya ay ku tartamaan musharixiinta Beeshiisa, balse waxa uu qiray in la badali karo, iyada oo taas laga billaabanayo maamul Goboleedyada kale oo beelo gaar ah ku loolama Xilka madaxweynaha.

Xildhibaan Cismaan Cabdullaahi Dhoore oo marti ku ahaa Barnaamijka Kulanka Todobaadka ee Axadle ayaa sheegay in la badali karo hannaan qaybsiga Beelaha Kursiga Hogaamiye, balse aan la badali Karin Caasimadda maamulka ah oo ah mid ku taalla Dastuurka.

“Waala badali karaa cidda u tartameysa kursiga Hogaamiye, waa mid u furan dhammaan beelaha Deegaannada Hir-Shabeelle, sida Caasimadda oo kale ma ahan jagadaas cidda qabaneysa oo aan dhinac looga gudbi karin” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Cismaan.

Xildhibaan Cismaan ayaa sheegay in Baarlamaanka uu ansixiyay Caasimadda Hir-Shabeelle oo Jowhar balse waxa uu meesha ka saaray jiritaanka xilka madaxweynaha in uu gaar u yahay Hal beel, isla markaana aan ahayn qodob dastuuri ah ama cod ka helay Baaralmaanka.

DG Hir-Shabeelle waxa ay isu diyaarineysaa doorashada muddo xileedka hay’adaha kala duwan, waxaana durba ka bilawday dood adag oo la xiriirta hab qaybsiga beelaha xilalka oo uu ugu darajo sareeyo kan Hogaamiye.

Wareysiga oo Muuqaal ah Halkaan Guji.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More