Baarlamaanka Galmudug oo maanta Saxaafadda loo fasaxayo

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug oo maanta fadhi xasaasi ah ka leh fasaxyada Xildhibaannada iyo kaararka aqoonsiga ayaa loo fasaxayaa saxaafadda in ay gudaha u gasho xarunta.

Arrintaan ayaa ka dambeysay kadib markii muran uu ka dhashay maqnaashiyaha Xildhibaannada iyo guddoonka, dabagalka mudanayaasha oo aan jirin & howlaha shaqo ee horyaalla oo aad u badan.

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa dalbaday in Warbaahinta loo ogolaado in ay duubato oo ay tabiso dhacdooyinka ka dhacaya aqalka uu ku shiro Baarlamaanka labaadka ee Dowlad Goboleedkaas soo maray.

Cabdinaasir Aadan Cismaan oo katrsan Baarlamaanka labaad ee DG Galmudug oo Warbaahinta la hadlay ayaa guddoonkooda ka dalbaday in Saxaafadda ay u ogolaadaan ka qaybgalka fadhiyadooda si shacabka ay ula socdaan shaqadooda.

“Baarlamaanka Galmudug sida uu u furmay fadhigooda ilaa haatan looma ogolaan saxaafadda in ay gudaha u gasho oo ay soo tabiso xaqiiqda halkaas taal si Bulshada Galmudug wax waliba u kala cadyihiin, si shaki & Mugdi looga baxo waa in Warbaahinta loo fasaxaa” ayuu yiri Xildhibaan Cabdinaasir Aadan Cismaan.

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka DG Galmudug ayaa guddoonkooda ku eedeeyay in uu ka gaabiyay howlaha shaqo ee horyaalla, waana tan keentay in khilaafka Guddoomiye Gacal & qaar kamid ah Xildhibaannada uu sii kordho.

Axadle                          

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More