Aqriso: Dacwad culus oo Xeer ilaaliyaha Guud u gudbiyeen Waa…

Muqdisho (Axadle) – Waalidiinta ay caruurtooda kaga maqan yihiin Eritrea ayaa dacwad cabasho ah u gudbiyey Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, si uu u furo baaritaan ku aadan arrintaas.

Qoraalka cabashada ah ee ay Xeer ilaaliyaha guud u gudbiyeen waalidiintan oo nuqul kamid ah uu soo gaaray Axadle ayaa eedeynta u weyn ee qaadista caruurtooda dusha u saareen madaxda sarre ee waqtigooda uu dhamaaday.

Qoraalka oo ay ku saxiixnaayeen 12 kamid ah Waalidiinta caruurtooda Askarnimada loogu qaaday Eritrea ayaa waxaa lagu sheegay in dhalinyartooda sifo sharci darro ah tobabarka loogu geeyay dalka Eritrea.

“Nidaamka loo qoray carruurteena wuxuu ahaa mid baalmarsan nidaamka sharciga ah ee qorista ciidamda Dowladda, maadama uu ahaa mid lagu khiyaanay anaga iyo ubadkeena, islamarkaasna naloo sheegay in ciidamada loo qaadayo dalka Qatar si loogu soo tobaabro Ciidan Qaran,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka dacwada furista ah ee waalidiintu gudbiyaan ayaa lagu sheegay in caruurtooda ay awoodi waayeen inay si xornimo leh ay ula soo xiriiran, kadib markii loo diiday inay wax xiriir ah la soo sameeyan.

“Intii nala soo hadashay mar lama xaqiijin karo xaaladda ay ku sugan yihiin waxayna nala hadleen muddo kooban, iyagoo oo inoo sheegay markaas in dhowr bilood ka hor tobabarka u dhamaaday ayna sugayaan in dowladdu soo celis.”

Qoraalka waxaa Xeer ilaaliyaha guud looga dalbaday in uu si deg-deg ah uga howl-galo sidii ay waalidiintu u heli lahaayeen warbixin dhameystiran oo ku saabsan nolosha, dalka iyo xaalada caafimaad ee ay hadda ku nool yihiin dhalinyaradoodu.

Ugu dambeyntiina waxay waalidiintu ku codsadeen qoraalkaas in dacwad lagu oogo cid kasta oo ku lug yeelata dhagrida iyo khiyaanada lagula kacay iyaga iyo ubadkooda, laguna geeyay dal aan hore loogu sheegin, aysanna rabitaankooda ku tegin

Hoos ka aqriso qoraalka loo gudbiyey Xeer ilaaliyaha oo dhameystiran

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More