Sheekadii Xiisaha laheyd ee kurbo aduun iyo kadeed caashaq Qeybtii 18aad

markaana uusan kala garaneynin cidaha degan xaafada Sadiiq markiiba hoos ayaa uu soo degay mar kale si uu socod u sameeyo waxaana inta uu socday ka horyimid wiilyaro ah oo aad moodo in Banooni uu ka yimid markaasuus ku yiri.

 

Sadiiq:

Wiilyoow I sug wax baan ku weydiin

 

Wiilkii:

Bal soo daa

 

Sadiiq:

Ma xaafadaan miyaad degan tahay

 

Wiilkii:

Haa ma qof ayaa kaa maqan

 

Sadiiq:

Gabar Amina la yiraahdo oo wiil yar sidata isla markaana markii hore Yurub ka timid ayaan raadinayey oo xaafadaan la igu sheegay.

 

Wiilkii:

Aamina oo Yurub ka timid ma aqaan laakiin gabar Sahra la yiraahdo oo wiil heysata ayaa xaafada degan in magaceeda uu Sahra uu yahay ayaan u maleynayaa.

Sadiiq in ay iyada tahay ayaa uu isa tusay markasuu la soo booday

 

Sadiiq:

Waa iyada halkee degan tahay

 

Wiilkii:

Wadadaan aad soo dhaaftay ayaa ay degan tahay xilliyada galabtii inta badan banaanka ayaa ay fadhisaa laakiin ma aqaan guriga ayka degan tahay in aagaas ay degan tahay ayaan hubaa wiilkeedana Akram ayaa la yiraahdaa.

 

Sadiiq:

Waa iyada wiilkeeda sow 4 jir camal maaha

 

Wiilkii:

Walaahi dadiisa ma aqaan laakiin waa wiil xaafada oo dhan laga jecel yahay

 

Sadiiq:

Qiyaas sow dadaas ma dhama

 

Wiilkii:

Waa dadaas camal

 

Sadiiq:

Mahadsanid sow ma hubtid in xilliga galabtii ay banaanka soo baxdo

 

Wiilkii:

Masaajidka dhinacooda saran ayaan ku tukataa markaan salaada casirka ka baxayo waan ku arkaa inta badan

 

Sadiiq:

Waad mahadsan tahay laakiin ha u sheegin inuu nin raadinaya

 

Wiilkii:

Maba is naqaan

Sidii ayaa lagu kala tagay Sadiiq marnaba ma dooneynin in Amina ay sii ogaado inuu joogo wuxuuna ku noqday Hotelkii isaga oo si fiican u eegtay meesha loogu sheegay in ay galbihii ay soo fadhiisato.

Inuu naftiisa la sheekeysto ayaa uuna bilaabay wuxuuna sida uu xaalka yahay u sheegay  saaxiibkii Xasan kaafi oo ahaa qofka kaliya ee la socday xaalkiisa xataa Hooyo Baluush lama socon in wiilkeeda uu Soomaaliya joogo waayo Sadiiq marnaba ma dooneysan in ay laga niyad jebiyo sahankiisa.

Sadiiq waxa uu isu diyaariyey in uu wajaho galabta xaaskiisa Amina Sahra mudo 4 sanno kadib uu hamuun qabay inuu arko arrinkiisa ma aheyn mid Amina didinayo wuxuuna markii uu qadada cunay in cabaar ah ku nastay qolkiisa markii uu salaadii Casirka uu qolkiisa ku soo tukatay ayaa uu soo abaaray xaafadii qaali luushii uu jeclaa loogu sheegay.

Markii uu wadada soo gooyey oo uu abaaray wadadii hore loogu sheegay in ay soo fadhiisato ayaa meel kore ka arkay in goobta la buuxa oo ay dad badan fadhiyaan markii uu indhaha kor u sii dhigay waa ka aqoonsaday Amina ileyn waa qofka kaliya ee uu qalbigiisa ku fikiraayey wuu soo abaaray waxyar kadib waa uu dul imid isaga oo salaan jamac dadka oo dhan salaamay Amina anfariir ayaa ka soo haray mar kaliya ayaa sheekadii socotay laga wada aamusay qof walbana Sadiiq kor u eegeysay ileyn waa qof aysan garaneynin si xalada loo furfuro ayaa uu Sadiiq hadalkii dib u qaatay oo yiri.

 

Sadiiq:

Magaceyga waa Sadiiq waxaan deganahay Hotelkaan deriskiina nin banaanka ka yimidna waan ahay wadanka in aan indho idheeyo ayaan u imid marka sheekadiina ayaan ku soo leexday ee ma idinla fadhiisan karaa.

Xaaji Baana oo ka mid ah dadkii goobta fadhiyey ayaa yiri

 

Xaaji Baana:

Soo dhawaaw wiilkee war leen meesha ku haaynaa

Markiina Xaajiga kursi ayaa uu dalbay Sadiiq intii kursiga lagu maqnaa ayaa uu dhalintii meesha fadhiday salaan la raacay isaga oo magaciisa u raacinayo markii uu Amina soo gaaray oo goobta wax ka fadhisay ayaa ay tiri.

 

Amina Sahra:

Iga raali ahaaw Ragga gacanta kama salaama

Sadiiq markiiba kursi ayaa loo keenay markaasuu ayaa uu yiri

 

Sadiiq:

Waxaan u maleynayaa in aad gabadhaan foorjo ku wadeen magacaaga walaal

Gabadha waa Luul oo Amina garabkeeda fadhiday markaasee Luul oo aheyd gabar war badan ayaa la soo booday.

 

Luul:

Magaceyga waa Luul dhalintaan howl laabayaal waaye naagna waa la rabaa nin aan shilin ka dhici yaa rabo.

 

Sadiiq:

Haye maxay ku leeyihiin

Xaajiga ayaa warka soo dhex galay oo yiri

Xaaji Baana:

Gabadhaan in ay guursato ayaa laga kari waayey marka waxaan dhahay ragaan mid kala bax

 

Sadiiq:

Laakiin Xaaji kuwii la isugu keeno in la isku ogaado waxaa ka roon in ay iyaga isku tashtaan sow sidaa maahaa

 

Luul:

Wax aan garab ku heysto aadigaaba ka jira u sheeg nin aan shaqeysanin yaa raba

 

Sadiiq:

Maxaa jira saaxibtaa ma ku caawineynin

 

Luul:

Aamiinaa waa mucaaradkeyga koowaad war dalkaan waxaa joogo nin naag qabo iyo mid weli canjeerada hooyadii la cunaayo marka intee geynaa ilmo lagugu rarayaa marka intii aan indho xumo iyo tuugsi ku dambeyn lahaa in aan nolosha isha ka dayo ayaan g’aansaday.

Sadiiq oo raba inuu sheekada ku daro Amina ayaa yiri.

 

Sadiiq:

Amina Saxiibtaa fikirkeeda ka waran wax uun ka dheh aan aragtidaada maqlee.

Waa Sheekadii : kurbo aduun iyo kadeed caashaq  kala soco Jimco walba Jowhar.com una gaar ah jowhar.com waxaana ku soo fara yareeystay qoraga reer jowhar Haalkoos    xaalkoos@hotmail.com

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More