Guushii Senegal ee AFCON 2025 ayaa gashay hubanti-la’aan sharci ah kaddib markii Xiriirka Kubadda Cagta Afrika (CAF) uu laalay natiijada, horyaalkana siiyay Morocco kaddib cabasho ay soo gudbisay kooxda Waqooyiga Afrika. Senegal ayaa racfaan ka qaadatay go’aanka.
Maxkamadda Xalinta Khilaafaadka Ciyaaraha (CAS) ayaa sheegtay in garqaadayaasheedu ay soo saari doonaan go’aan dhammaystiran, halkii ay ka bixin lahaayeen xukun kooban. “Hannaankani wuxuu qaadan doonaa dhowr toddobaad, iyadoo la filayo in go’aanka CAS la soo saaro dhammaadka Nofeembar 2026,” ayay CAS ku sheegtay bayaan.
- Advertisement -
Khilaafku wuxuu ka dhashay finalkii muranka dhaliyay ee dhex maray martigeliyeyaasha Morocco iyo Senegal. Ciyaartoyda Senegal ayaa garoonka ka baxay kaddib markii ay ka dhiidhiyeen rigoore goor dambe loo dhigay Morocco daqiiqadihii ugu dambeeyay ee waqtiga caadiga ah. Ciyaartu waxay dib u bilaabatay kaddib hakad 15 daqiiqo qaatay, iyadoo Senegal ugu dambayn badisay.
Guddiga rafcaannada CAF ayaa markii dambe, bishii Maarso, laalay natiijadaas, Morocco-na u diiwaangeliyay guul ay ku heshay maqnaanshaha kooxda kale, taasoo ku kalliftay Senegal inay kiiska u gudbiso CAS.