Muqdisho (Axadle)-Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay barnaamijka Gungaar, kaas oo looga hadlo xogaha daahsoon ee Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana lagu soo bandhigay xogo xasaasi ah, iyadoo lagu wareystay shakhsiyaad isugu jira Soomaali iyo Ajaanib, kuwaas oo haatan ku jira gacanta dowladda Soomaaliya.
Barnaamijkaan ayaa diiradda saaraya qaabka qofka loogu qanciyo inuu is-miidaamiyo oo isku qarxiyo dadka kale, waxaana lagu wareystay…