“Insha Allah Waa Dagaalkii Iigu Dambeeyey, Geeridii Abbahay
Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa ku qasbay Justin Gaethje inuu gargaar weydiisto garsooraha ciyaarta, isla markaana la joojiyo ciyaarta oo socota, kaddib markii uu Khabib Nurmagomedov qoorta kaga qabtay labadiisa lugood oo uu kusoo laabtay, taas oo keentay in feedhkaasi si degdeg ah usoo dhamaado.Khabib Nurmagomedov ayaa xalay mar kale la guddoonsiiyey dagaalka iskugu jira feedhka, laagga, legdinta iyo xuurtooyinka ee loo yaqaano UFC gaar ahaan miisaanka UFC 254.Khabib oo haysta rikoodh 29-0 ah oo aan…