Edinson Cavani Oo Magacaabay Kooxda Uu Ku Biiri Doono Marka
Weeraryahanka cusub ee Manchester United ee Edinson Cavani ayaa shaaciyey magaca kooxda uu usii ciyaari doono marka uu dhamaysto qandaraaska uu Isniintii u saxeexay United.33 jirkan reer Uruguay ayaa qalinka ku duugay hal sano oo heshiis rasmi ah iyo sannad kale oo doorasho ah oo isaga ku xidhan inuu sii joogo Manchester United iyo in kale, waxaana muddada uu joogo dhabarkiisa ka muuqan doona lambarka caanka ah ee No.7 oo ay xidhan jireen halyeeyadii naadiga soo maray.Laacibkan oo si xor ah u yimid Old Trafford kaddib markii…