Barcelona Oo Si Degdeg Ah U Hirgelinaysa Mushahar Dhimis 30%
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa wada-hadallo degdeg ah la bilowday ciyaartoydeeda iyo dhamaan shaqaalaheeda, kuwaas oo ay ku samaynayso mushahar dhimis boqolkiiba 30 ah oo ay iskaga fudaydinayso culaysyada dhaqaale ee haysta.Sida ay ku warrantay warbaahinta Cadena Ser, Barcelona ayaa wada-hadal la yeelanaysa ciyaartoyda kooxda koowaad iyo shaqaalaha caadiga ahba todobaadyada soo socda, waxaanay ka doonaysaa inay heshiis rasmi ah oo mushahar dhimis ah isla gaadhaan inta ka horreysa November 5 oo ah waqtiga kama dambaysta…