Mastodon

Cristiano Ronaldo Oo Muddo Ku Maqnaa Korona Fayras Oo

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa jawaabtii ugu dambaysay oo ah tii afraad ka helay shaybaadhka lagu hubinayo caafimaadkiisa kaddib markii uu ku dhacay xanuunka Korona Fayras.Ronaldo ayaa laga joojiyey inuu Juventus u ciyaaro kulankii Barcelona ee Arbacadii ee 2-0 lagu garaacay kooxdiisa, markaas oo baadhitaan lagu sameeyey lagu xaqiijiyey in aanu wali taam ka noqonin xanuunka  oo hayey muddo laba toddobaad ah.Sida ay Juventus xaqiijisay, shaybaadh kale oo Jimcihii maanta laga qaaday Ronaldo ayaa waxa uu soo…

Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Liiska Ciyaaryahanadda Kooxdiisa Ee

Mariano Diaz ayaa muddo dheer kaddib kusoo laabtay ciyaartoyda Real Madrid, waxaana lagu soo daray liiska xiddigaha uu Zidane u xushay kulanka Sabtida ee Huesca.Weeraryahankan ayay u tahay markii ugu horreysay ee Zidane uu kusoo daro kooxdiisa xili ciyaareedkan, waxaase uu tababaraha reer France awoodi waayey inuu u yeedho xiddigaha dhaawaca ah sida Martin Odegaard, Alvaro Odriozola, Dani Carvajal iyo Nacho Fernandes.Labada ciyaartoy ee Odegaard iyo Odriozola ayaa la filayaa inay taam noqon doonaan marka laga soo laabto…

Gabriel Magalhaes Oo Magacaabay Xiddiga Uu Ka Helay Premier

Difaaca Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa magacaabay laba ciyaartoy oo horyaalka Premier League ka dheela oo uu aad ula dhacsanaa qaab ciyaareedkooda iyo la kulankooda, waxaanu ku daray weeraryahan ay ku adkaatay inuu xakameeyo intii uu xirfadda kubadda cagta ku jiray.Gabriel Magalhaes oo ay da’diisu tahay 22 jir ayay Arsenal £27 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Lille xagaagan, waxaana uu boos joogto ah ku yeeshay Gunners.Isla markii uu soo gaadhay London, Arteta ayaa kusoo tuuray kulankii Arsenal ay 3-0 ku garaacday…

Karim Benzema Oo Qaaday Tallaabo Waayeelnimo Kaddib

Karim Benzema ayaa raaligelin ka bixiyey ficilkii uu kula kacay Vinicius Junior kulankii Real Madrid ay barbarraha 2-2 lasoo gashay Borussia Monchengladbach, taas oo intii ay socotay uu ka dalbaday Ferland Mendy in aanu kubadda  siinin Vinicius oo uu ku eedeeyey inuu u ciyaarayo kooxda kasoo horjeedda.Benzema ayaa lagu dhaliilay qaabka uu ula dhaqmay Vinicius oo lumiyey kubbado badan, taas oo qaybtii dambe uu ka dhigay go’doon kaddib markii uu u sheegay Mendy oo ay isku dhinac joogeen, kubbadaha ugu badanna siinayay in aanu…

Jamaahiirta Manchester United Oo Doortay Shaxda Ay Doonayaan

Taageereyaasha Manchester United ayaa doonaya in tababare Ole Gunnar Solskjaer uu ku dhegsanaado shaxda dheemanta ah ee khadka dhexe ee sida cajiibka ah u shaqaysay kulankii RB Leipzig.United ayaa ku ciyaartay afar laacib oo khadka dhexe ah, iyadoo uu Solskjaer ka guuray qaabkiisii hore ee saddexda ciyaartoy uu dhexda dhigi jiray, waxaana uu doorkiisa siiyey saxeexa cusub ee Donny van de Beek oo muddo saacad ah ka talinayay khadka dhexe oo isaga u kala xidhnayd.Paul Pogba oo isaguna kusoo bilowday ayaa ahaa midkii baaska…

James Rodriguez Oo Ka Dhaawacmay Xubinta Taranka & Gabadha

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Everton ee James Rodriguez ayaa  la dhibaatoonaya kasoo kabashada dhaawac kasoo gaadhay xubinta taranka ‘Xiniinyaha’ kulankii Merseyside derby, markaas oo uu Virgil van Dijk jilib kaga dhuftay ka hor intii aanu difaaca Liverpool dhaawaca culusi soo gaadhin.Laacibka hore ee Real Madrid ayaa la sheegay inuu xanuun badan ka dareemay xiniinyaha kulankii Southampton ee Axaddii oo bandhiggiisuna ka hooseeyey heerkii laga filayay, intaa wixii ka dambeeyeyna ay xaaladdiisu sii xumaatay.Carlo…

Fabinho Oo Laga Saaray Xulka Qaranka Brazil, Laacibka

Xiddiga Liverpool ee Fabinho ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda xulka qaranka Brazil ee kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka ee Venezuela iyo Uruguay ee bisha dambe, waxaana lagu beddelay laacibka khadka dhexe uga ciyaara Everton ee Allan.Fabinho ayaa la filayaa in ugu yaraan saddex kulan uu garoomada uga maqnaado dhaawac kasoo gaadhay kulankii Champions League ee Salaasadii ay kooxdiisu la ciyaartay FC Midtjylland, waxaana la saaray qaybtii hore.Liverpool ayaa warbixin rasmi ah kasoo saari doonta xaaladdiisa Jimcaha oo…

Frank Lampard Oo War Cusub Kasoo Saaray Xaaladda Thiago

Frank Lampard ayaa ka hadlay xaaladda taam ahaansho ee ciyaartoyda kooxdiisa ee Thiago Silva iyo Kepa Arrizabalaga oo seegay ciyaartii Champions League ee Krasnodar ee Arbacadii, laakiin waxay su’aali ka taagnayd haddii ay taam u noqon karayaan kulanka horyaalka Premier League ee Burnley.Thiago Silva oo xagaagii ay lasoo saxeexatay Chelsea ayaa waxa uu ciyaaray kulankii barbarraha goolal la’aanta ahaa ee Manchester United, iyadoo 36 jirkanna lagu tilmaamay xiddigii ugu fiicnaa kooxdiisa Sabtidii, balse Rudiger ayaa beddelay…

Ryan Giggs Oo Daboolka Ka Qaaday In Louis Van Gaal Uu

Ryan Giggs ayaa shaaciyey in tababarihii horihii hore ee reer Netherlands ee Louis van Gaal uu caloosha feedh kaga dhuftay markii loo magacaabay tababaraha Manchester United ee ay kulankoodii ugu horreeyey yeesheen.Van Gaal ayaa Manchester United ay tababaraheeda u magacowday sannadkii 2014kii iyadoo uu beddelay David Moyes oo markaa shaqada laga caydhiyey, halkaas oo isagana muddo kaddib la tusiyey albaabka oo lagu beddelay Jose Mourinho.Ryan Giggs ayaa tababare ku-xigeen looga dhigay Van Gaal, si uu gacan-yare ugu noqdo,…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Arsenal vs Dundalk – Mikel

Arsenal ayaa isbeddel badan ku samaysay safkeeda kulanka tartanka Europa League ee ay kusoo dhoweynayso kooxda yar ee Dundalk, taas oo tababare Mikel Arteta ay muuqato in tamartooda iyo awooddoodaba uu dhayalsaday.Tababaraha reer Spain ayaa kaydka geliyey dhamaan ciyaartoydiisa waaweyn, waxaana aan ku jirin Aubameyang, Alexandre Lacazette iyo Willian, iyadoo ay afka hore joogaan Nicolas Pepe iyo labada da’yar ee Nketiah iyo Nelson.Khadka dhexe ayaanu joogin saxeexii cusbaa ee Thomas Partey, Dani Ceballos iyo Saka balse Xhaka…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More