Wararkii ugu dambeeyey ee wada-hadallada doorashooyinka dalka

Muqdisho (Axadle) – Magaalada Muqdisho ee Axadle Soomaaliya waxaa maanta lagu wadaa inay dib uga billowdaan wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada dalka iyo sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir. Wada-hadallada oo hakad-galay labadii maalin ee ugu dambeysay ayaa qorshuhu yahay inay maanta dib uga billowday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.…

Xukumadda oo diiday in shuruud lagu xiro fulinta heshiiskii 17-ka September

Muqdisho (Axadle) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa diiday in shuruud lagu xiro shirka maalmihii u dambeeyay ka socday Afisyooni, kaasi oo maalintii Axadda hakad la galiyey, kadib markii maalinkii labaad ee uu shirkaas dhacay uu soo dhammaaday ayada oo aan wax heshiis ah la gaarin. Madaxda sarre ee dowladda waqtigeeda dhamaaday iyo madaxda Puntland iyo Jubaland oo dhinac ah ayaa isku haya qoddobo dhowr ah oo  ku aadan ajendaha shirka, waxaana…

Bandowgii Uhuru Kenyatta oo saameyn ku yeeshay Soomaalida Kenya

Nairobi (Axadle) – Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa dhawaan soo saaray go’aamo looga hortagayo mowjadda saddexaad ee cudurka Coronavirus, kaasi oo qeybo kamid ah dalka Kenya loogu soo rogay bandow. Go’aanka Uhuru Kenyatta ayaa saameyn weyn ku yeeshay ganacsiga iyo shaqooyinkii dadka ka shaqeyn jiray huteelada iyo goobaha dadweynaha isugu imaadaan ee magaalada Nairobi, ayada oo uu si gaar ah dhibaato hor leh ugu keenay ganacsatada Soomalida ah. Ganacsigii suuqa Soomaalida Islii ee magaalada Nairobi ayaa bandowgan…

5# Dalab oo horseedi kara in uu fashil ku dhammaado shirka Afisyoone

Muqdisho (Axadle) – Waxaa maalintii labaad hakad ku jira shirka looga hadlayo ajendaha shrika arrimaha doorashada Soomaaliya una dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul gobaleedyada dalka ee teendhada Afisyoon. Xog ay heshay Axadle ayaa sheegeya in Villa Somalia ay diiday shan qodob oo ay soo jeediyeen maamulada Puntland iyo Jubaland, islamarkaana ay sheegtay inaysan marnaba aqbali doonin, kuwaas oo kala ah:- 1- In la ballaariyo shirka oo laga qeybgeliyo mucaaradka si loo qaato go’aan kama dambeys ah oo ku…

Sawirro: DF oo Muqdisho ku shirisay beelo kasoo horjeeda Axmed Madoobe

Muqdisho (Axadle) – Qoraal lagu baahiyey bogga wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa looga warbixiyey kulan wasiirka arrimaha gudaha Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax uu Muqdisho kula yeeshay odayaal dhaqan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Jubaland, kuwaas oo cabasho ka ah maamulkooda, sida lagu sharaxay qoraalkan. “Odayaal dhaqameedka beelaha dagga Julabaland iyo siyaasiinta ka soo jeeda maamlkaas  ayaa u gudbiyay  Wasiirka Wasaaradda…

Xog: Qiimaha hubka la kala siisto ee Muqdisho oo sare kac uu ku yimid + Sababta

Muqdisho (Axadle) – Waxaa bilihii u dambeeyay la dareemayay sarre u-kac balaadhan oo ku yimid qiimaha magaalada Muqdisho la kala siisto hubka noocyadiisa kala duwan, xili ay xaalada dalka kasii dareyso. Hubka uu sarre u-kaca ku yimid ayaa waxaa kamid ah qoriga Dhashiikaha, Qoriga PKM, RPG ama Sabanka iyo Qoriga AK47, waxaana dhamaantood hadda lagu iibiya qiimihii hore labo jibaarkeeda, sida ay ogaatay Axadle. Suuqyada hubka ee loo yaqaano ‘Cir-toogte’ ayaa waxaa labadii bilood ee u dambeeyay saa’id loogu kala iibsanayay…

Beesha Caalamka oo Baaq kasoo saartay shirka Afisyoone

Muqdisho (Axadle) – Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa ka codsaday hoggaamiyaasha Soomaalida inay heshiis gaaraan, xilli maanta mar kale uu baaqday shirkii Afisyoone ee arrimaha doorashada, kaasi oo sidoo kale shalay aan dhicin. “Iyadoo ay Soomaalidu u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Bisha Barakeysan ee Ramadaan, Beesha Caalamigu waxay muujinayaan rajo ah in mabaadi’da aasaasiga ah ee milicsiga, dulqaadka, Iscafinta iyo dib-u-heshiisiintu ay u horseedi doonaan guul shir madaxeed oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha…

Taliska NISA ee Gobolka Banaadir oo shaaciyey xogta Al-Shabaab ku dhintay qarax ay wadeen

Muqdisho (Axadle) – Taliska Hey’adda Nabad-Sugidda Soomaaliya ee NISA qeybtiisa Gobalka Banaadir ayaa shaaciyey inuu helay xog ah in maalmihii lasoo dhaafay ay dhinteen seddax sarkaal oo labo ka mid ah ay Al-Shabaab u qaabilsaneed sameynta qaraxyada Miinooyinka ah ee kooxdu ka fuliso gobollada Banaadir iyo Shabeellada Hoose. Qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Maxamuud Goobe Raage Jiisoow iyo Muuse Kooble oo Al-Shabaab u qaabilsanaa qaraxyada Miinooyinka ah ee kooxdu ay ka fuliso…

Video: Maxaa looga hadlay kulanka dhex-maray Muuse Biixi iyo wafdigii Zambia?

Hargeysa (Axadle) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta waxa uu Madaxtooyada ku qaabilay wafdi sarre oo ka socda dalka Zambia, kaasi oo uu hogaaminayo Wasiirka caddaaladda dalkaas, Mr Gavin Lubinda. Wafdigaan oo shalay gaaray magaalada Hargeysa ayaa waxay madaxweyne Muuse Biixi ka dhageysteen warbixin ku aadan madax-banaanida ay ku doodo Somaliland, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland. “Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu xubnaha weftiga warbixin ka siiyey…

DF oo kulan la qaadatay safiirka Shiinaha kadib go’aankiisii muranka doorashooyinka

Muqdisho (Axadle) – Sii-hayaha Wasiirka Gargaarka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulantay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mr Qin Jian, kadib mowqifkii Shiinaha ee xiisada doorashooyinka dalka. Sida ay ogaatay Axadle, Kulankaan ayaa u daarna mahad-celin ku aadan mowqifkii ay dowladda Shiinaha dhawaan ka qaadatay xiisada doorashada, midaasi oo ay si weyn ula dhaceen madaxda sarre ee waqtigooda dhamaaday.…