Qiimaynta Ciyaaryahanadda Kulankii Burnley & Chelsea – Xiddigii
Chelsea ayaa kulankii afraad oo xidhiidh ah shabaqeeda ilaashatay, waxaanay ku darsatay guul 3-0 ah oo ay ka gaadhay Burnley oo ay marti ugu ahayd Turf Moor.Hakim Ziyech ayaa goolkiisii ugu horreeyey ee Premier League dhaliyey kulankii ugu horreeyey ee horyaalka uu kusoo bilowdo, waxaana laba kale ku daray Kurt Zouma oo kubbad koorne ahayd oo uu soo laagay Mason Mount madaxa ku qabtay iyo Timo Werner oo goolka saddexaad kusoo afjaray goolasha kooxdiisa.Frank Lampard ayay u ahayd habeen wanaagsan oo qaab ciyaareed fiican ay…