Wafdi ka socda beesha caalamka oo ku wajahan magaalada Dhuus…

Dhuusamareeb (Axadle) – Wafdi ka socda xubnaha beesha caalamka ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, waxaana wehlinayo safiiro kale. Socdaalka wafdigan ayaa la xiriira u kuur-gelida xaaladaha ka jira gobollada dhexe, gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale…

Rooble oo ballan-qaaday daryeelka dhalinyaradii ku dhaawacan…

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay isbitaalka Madiino ku booqday dhalinyaradii ku soo dhaawacantay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Caasimadda Muqdisho. Ra’iisul wasaaraha ayaa mid mid u dul-tegay dhalinyaradan oo waxyeelo ay kasoo gaartay weerarkii xerada General Dhega-badan, xilli ay doonayeen inay ku…

Xog: Khilaaf la xiriira howsha loo xil saari rabo SAADAQ JOO…

Muqdisho (Axadle) – Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah, waxaa khilaaf xoog leh uu soo kala dhexgalay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taliyaha NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo dhinac isku ah iyo madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor. Khilaafka labadaan masuul ayaa salka ku haaya wararka sheegaya in ammaanka doorashada Galmudug lagu wareejin doono taliyihii hore ee booliska Gobalka Banaadir…

Saddax arrin ka ogow xerada ciidamada Jeneral Dhega-badan ee…

Muqdisho (Axadle) – Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Janaraal Dhaga-badan oo ah Xerada loogu magac daray Janaraal Cabdikariim Yuusuf Adan Dhaga-badan, ee ku taallo Degmada Wadajirwaa goob lagu tababaro ciidamada xoogga dalka Soomaaliya. Tan iyo 2010-kii, marki la billaabay in ciidamada lagu tababaro, waxaa xeradaas ka soo baxayey dufcado ciidamo iyo maleeshiyaad aan dowladda ka tirsanayn. Haddaba wax badan ka ogoow taariikhda Xeradaasi.…

Xaalka dhaqaale ee maamulka G/Banaadir oo sii xumaanaya

Muqdisho (Axadle) – Sida ay hore u sheegtay Axadle, maamulka gobalka Banaadir ayaa wajahaya dhaqaalo la’aan xoog leh taasi oo saameyn weyn ku yeelataay mushaarka shaqaalaha dowladda Hoose ee Xamar. Bishii la soo dhaafay ee May ayaa la sheegay in ilaa hadda aysan mushaarkooda helin shaqaalaha maamulka gobalka Banaadir, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in aysan muuqan rajo lagu bixin karo mushaarka sababo la xariira dhaqaalo la’aan heysata maamulka. Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir uu…

Afar arrin oo tiirar u ah dib usoo laabashada xiriirka Sooma…

Muqdisho (Axadle) – Kenya ayaa dib u fasaxday duulimaayadii ka imaan jiray Soomaaliya iyo kuwii tagi jiray. Qoraal ay sii deysay wasaaradda arrimaha debadda Kenya ayey sabab la’aan ku fasdaxday socdaalka labada wadan oo uu xiriirkooda xumaa 10-kii bilood ee lasoo dhaafay. Dadka labada wadan isaga kala goosha ayaa sameystay dhowr dal oo socdaal seddexaad ah si ay u tagaan dhinaca ay danta ka leeyihiin. Shacabka labada dal ayaa wajahayey dhibaatada…

Dhalinyaradii hoggaamineysay banaanbixii maanta oo xabsiga l…

Muqdisho (Axadle) –Kadib markii maanta dhalinyarada ku shaqeysata mooto Bajaajta ee ka howlgala Caasimadda Muqdisho ay dhigeen banaanbax ay ku dalbanayeen in la dayac tiro wadooyinka burburka iyo biyaha roobku jareen ee isaga kala goosha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ciidamada booliska oo qaaday tallaabo ka dhan ah dhalinyaradaas waxay xabsiga dhigeen qaar ka mid xubnihii…

Madaxweyne Farmaajo oo safar dibadeed u baxaya

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu u duulo dalka Turkiga, sida ay Axadle u sheegen xubno ka tirsan Villa Somalia. Madaxweyne Farmaajo ayaa sida uu qorshuhu yahay waxa uu ka qeyb galaya shir looga hadlaya diblomaasiyadda, oo ka dhacaya magaalada Mediterranean-ka ee Antalya. Inkastoo shirkan uu yahay mid heer Wasiir Arrimo dibadeed iyo Madax ka socota Ururo dowli ah iyo kuwa aan dowli aheyn, hadana Madaxweyne Farmaajo ayaa ka mid ah…

Daawo: Beesha Mudulood oo ka digtay dhul boobka ka socda deg…

Muqdisho (Axadle) – Kulan ay maanta iskugu yimaadeen waxgaradka, Nabadoonada iyo Siyaasiyiinta Beelaha Mudullood oo ka qabsoomay Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa looga horyimid dhul boob ka socda degmada Dayniile. Kulanka oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa wasiiru-dowlaha wasaaradda ciyaaraha Soomaaliya ayaa waxaa looga digay dhul boob ka socda dhul la sheegay in garoon diyaaradeed ay ka hirgelinayso dowladda. Guddoomiyaha horumarinta Beelaha…

Deni oo ku dhowaaqay go’aan ka dhan ah shirkadda DP World – …

Garoowe (Axadle) – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo Talaadada maanta ah si rasmi ah u daahfuray kalfadhiga 48-aad ee Golaha Wakiiladda ee Maamulka Puntland, ayaa ayaa sheegay in la joojiyey lacagihii shirkadda P&O oo hoos tagta shirkadda DP World ay ka qaadi jirtay dekedda Boosaaso. Heshiiska P&O ee marsada Boosaaso ayuu xusay in dib-u-eegis lagu bilaabay. Khuburo ka socda shirkada ayuu xusay in ay sahmiyeen xafaarida goobta ayna…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More