Bulshada Rayidka oo soo faro-geliyey kiiska dhallinyarada ku…

Muqdisho (Axadle) – Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee axadle Soomaaliya kulan ku yeeshay xubnaha Bulshada rayidka ah iyo waalidiinta dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eretareeya ee illaa hadda lagu la’yahay nolol iyo geeri. Kulanka oo ay soo qaban qaabisay bulshada rayidka ah ayaa waxaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa welwelka iyo cabashada ay qabaan waalidiinta…

Al-Shabaab oo war kasoo saartay qaraxii xerada ciidanka Jene…

Muqdisho (Axadle) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta lagu qaaday xerada ciidamada Jeneral Dhega-badan oo ku taal banaanka Caasimadda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaas uu fuliyey qof ka mid ah qeybta is-miidaaminta ee koxodaas, islamarkaana uu ujeedka ahaa in la beegsado dhallinyaro qoraneysay askarnimo. Kooxda ayaa sheegtay in ay qaraxa ku dishay 40 kamid ah…

Dibad-baxayaal xirtay wado muhiim ah oo ku taalla Muqdisho -…

Muqdisho (Axadle) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta dibad-bax cabasho ah ka dhigay dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka Bajaajta ee ka howl-gasha Caasimadda, iyagoo isugu soo baxay fagaaraha taalada Daljirka Daahsoon. Bajaajleydan ayaa xirtay wadada Shabelle ee hormarta taallada Daljirka Daahsoon, una dhow xarunta madaxtooyada ee Caasimadda Muqdisho. Dhalinyarada kaxeysa mootooyinka Bajaajta ayaa ka cabanaya wado xumo, waxayna sheegeen inay waayeen meel ay maraan, isla-markaana jidadka qaar…

Odowaa oo war ka soo saaray is-miidaamintii ka dhacay Muqdis…

Muqdisho (Axadle) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odowaan Yuusuf Raage ayaa war kasoo saaray qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay xerada General Dhaga Badan oo ku taala degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Odowaa ayaa marka hore faah faahiyey khasaaraha ka dhashay qaraxaasi oo uu fuliyey ruuxu isku soo xiray walxaha, wuxuuna xaqiijiyey inay ku dhinteen illaa 10 ka mid ah dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidanka…

Xog: Qorshaha tegitaanka Saadaq ee Dhuusamareeb iyo cidda ka…

Dhuusomareeb (Axadle) – Ilo wareedyo xog ogaal ayaa sheegay in Xildhibaano ay qeyb ka yihiin Cabdiraxmaan Odowaa, Mahad Salaad, wasiirka amniga ee Galmudug Axmed Macalim Fiqi iyo siyaasiin kale oo mucaarad ah ay ka shaqeeyeen in magaalada Dhuusamareeb uu gaaro Janaraal Saadaq Joon.  Xogta ayaa tilmaameysa in ujeedada socdaalkiisa uu yahay sugida ammaanka doorashada baarlamaanka, waxaana ogolaaday Madaxweynaha Maamulka Galmudug, iyadoo ay soo…

Cumar Filish oo xil cusub ku soo kordhiyey G/Banaadir – Caas…

Muqdisho (Axadle) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xil cusub kusoo kordhiyay gobolka Banaadir, kaasi oo aan hore uga jirin, sida lagu shaaciyey wareegto kasoo baxday xafiiskiisa. Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiye Filish ayaa wuxuu ku aas-aasay “Waaxda Abaarmiitooyinka Caasimadda Muqdisho”, oo uu u magacaabay Mudane…

Duulimaadyada u dhaxeeya Somalia iyo Kenya oo hal arrin ku x…

Muqdisho (Axadle) – Kadib markii ay dowladda Kenya ku dhawaaqday inay dib u furtay duulimaadyadii tooska ahaa ee labada dal, ayaa waxaa soo baxaya walaac hor leh oo la xiriira halis ay wajahayaan duulimaadyadaas oo ah in markale la hakiyo. Aqoonyahanada Soomaalida ah qaarkood ayaa u arka in haddii aan xal buuxa laga gaarin arrimaha diblomaasiyadda la xiriira ee labada waddan ay mar kale saameyn ku yeelan karto shacabka labada dal, oo xilli kasta…

Jeneraal Xuud oo war kasoo saaray arrin laga faafiyey – Caas…

Beledweyne (Axadle) – Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan, Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa ka hadlay kulan la sheegay inuu xalay dhex-maray isaga iyo Madaxweyne Ku-xigeenka HirShabelle. Jeneraal Xuud ayaa sheegay in uusan jirin kulan siyaasadeed oo dhex-maray asaga iyo Yuusuf Dabageed, balse ay ku kulmeen munaasabad ay iskugu timid beeshoodu. Waxa uu xusay in markii ay isku arkeen Dabageed…

Xog: Rooble iyo madax goboleedyada oo ku wajahan Kismaayo + …

Muqdisho (Axadle) – Xog ay heshay Axadle ayaa sheegeysa in dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo ra’iisul wasaare Rooble ay isugu tegi doonaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoos. Halkaas maalmaha soo socda waxaa lagu qaban doonaa shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana shirkaas marti geli doonta Jubbaland. Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka…

Daawo: Xildhibaan Zakariye oo shaaciyey inuu askarta maqan k…

Muqdisho (Axadle) – Xildhibaan Zakariye Xaaji Cabdi oo ka tirsan baarlamaanka waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu xariir la sameeyay madaxda dalka Eritrea, islamarkaana uu wax ka weydiiyey nolosha dhalinyarada Soomaaliyeed ee la weysan yahay. “Shakhsiyan anigu waxaan isku dayey inaan hubsado wararka laga faafiyey dhalinyarada loo qaaday Eritrea, waxaan la xariiray madax Eritrean ah, hade eyagu kuma dhahayaan ciidankiinii ayaan dagaal gelinay, laakiin waxaan kala hadlay bal inaan dalkaas tegi karo, waxayna…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More