Daawo: Culumada Puntland oo ka hor-timid xeer ay dhawaan ans…

Garowe (Axadle) –Culumada deegaanada Puntland oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa si adag uga hor yimid xeer ay dhawaan ansixiyeen golaha wasiirrada Puntland, kaas oo gabi ahaanba lagu mamnuucayo gudniinka gabdhaha. Culumada ayaa sheegay in xeerkaas uu ka hor imaanayo shareecada Islaamka, iyagoo baarlamaanka Puntland ugu baaqay in aysan meel marin xeerkaas, maadaama baarlamaanka loo gudbinayo, kadib ansixintii golaha…

Maxaa looga heshiiyey wadahadalkii wasiirrada arrimaha dibad…

Muqdisho (Axadle) –Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaacisay in xiriir taleefoon oo dhex-maray wasiirrada arrimaha dibadda ee dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kaas looga wadahadlay dib u howl-gelinta safaaradaha labada dal oo xirnaa dhowrkii bilood ee u dambeysay. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo wasiirka arrimaha dibadda Kenya Raychelle Omamo, ayaa maanta telefoonka isku weydaarsaday muhiimadda ay…

Xukuumadda oo war kasoo saartay xubnaha guddiga doorashada e…

Muqdisho (Axadle) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ‘goor dhaw la filayo in Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor uu soo magacaabi doono xubnaha guddiga doorashooyinka heer federaal ee Galmudug. Xubnaha laga sugayo Qoor Qoor inuu soo magacaabo ayaa lagu bedelayaa xubnihii dhawaan laga reebay liiska guddiyada doorashooyinka, kuwaas oo la…

Turkiga oo farriin usoo direy dowladda iyo shacabka Soomaali…

Ankara (Axadle) – Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Xerada Tababarka Janeral dhega-badan ee Caasimadda Muqdisho, kaasi oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac badan. War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun tahay dowladda qaraxaas, oo ay ku naf waayeen ku dhawaad 20 ruux oo u badna dhalinyaro. “Waxaan si adag u cambaareyneynaa…

Fadeexad kusoo baxday guddigii uu R/W Rooble u xil saaray ka…

Muqdishi (Axadle) – Guddigii uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble u saaray kala shaandheynta xubnihii ay Midowga Musharixiinta kasoo gudbiyeen cabasho ku aadan inay ka tirsan yihiin shaqaalah Dowladda iyo Hey’adda nabad sugidda qaranka ee NISA, ayaa waxaa kusoo  baxday fadeexad culus kadib markii la ogaaday inay sii daayeen xubno ka tirsan shaqaalaha rayidka ah. Xubnaha la fasaxay oo ay guddigaas sheegeyn inaysan…

Siyaasiyinta Waqooyiga ee garabka Cabdi Xaashi oo eedeyn cul…

Muqdisho (Axadle) – Golaha Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobollada Waqooyi oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyey inuu faragelin ku hayo guddiyada doorashada ee Gobolada Waqooyi. Golaha oo isugu jiro siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu weli wado faragelinta guddiyada doorashada Gobaladda Waqooyi, waxayna ku eedeeyeen inuu…

DF Soomaaliya oo dalab u gudbisay dowladda QATAR

Doha (Axadle) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaaq Maxamuud oo maalmihii u dambeeyay booqasho ku jooga dalka Qatar ayaa la kulmay Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Qatar, Suldaan Bin Sacad, oo uu u gudbiyey dalab la xiriira taageerada dalka. Kulanka ayaa looga hadlay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada dowladda Qatar ay siiso dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Labada mas’uul ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay in si taxadar leh looga gudbo…

Sawirro: Qoor Qoor iyo James Swan oo ku kulmay Dhuusomareeb …

Dhuusamareeb (Axadle) – Wafdi ka socda xubnaha beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee magaalada Dhuusamareeb ee Axadle Galmudug. Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid iyo mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Maamulka Galmudug,…

Aqriso: Sabab yaab-leh oo loo eryey tababarihii Xulka Qarank…

Muqdisho (Caasimada Oline) – Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in gabi ahaanba shaqada laga eryey tababarihii Xulka Qaranka Soomaaliyeed, Cabdellatif Salef oo u dhashay dalka Morocco, wuxuuna xilkan hayey wax ka yar saddex todobaad. Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in tababare Cabdellatif Salef uu ku kacay aflagaado ka dhan ah ciyaartoyda Soomaaliyeed, oo haatan…

Qodob ka mid ah heshiiskii doorashooyinka ee xiisadda GEDO o…

Garbahaarey (Axadle) – Wafdi saraakiil ah oo ka socda taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, isla-markaana ka howl-gala Soomaaliya  ayaa maanta gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaasi is weyn loogu soo dhoweeyey. Saraakiishan ayaa waxaa Garbahaarey si weyn ugu soo soo dhoweeyey mas’uuliyiinta maamulka degmada, kan gobolka iyo sidoo kale taliyeyaasha ciidamada. Wafdigan saraakiisha ah ee ka midka ah AMISOM ayaa isugu…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More