Muqdisho (Axadle) – Dowladda Norway ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday inay dhowaan dib u furaneyso safaaraddii ay ku laheyd Caasimadda Muqdisho, si loo xoojiyo xiriirka ay la leedahay dowladda dhexe.
Hadalkan ayaa waxaa ka dhawaajisay Elin Bergithe Rognlie oo ah danjiraha Norway u qaabilsan Soomaaliya, kadib kulan ay la qaadatay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, MudaneBalal Maxamed Cismaan.
Marwo Elin Bergithe ayaa shaaca ka qaatay in haatan ay bilaabatay qaban-qaabada…