Kooxda ree France ee Marseille ayaa xalay muujisay dhacdo kale oo fadeexad ku ah sumcadeeda ciyaareed kaddib markii ay la fal-gashay arrimo diinaha la xidhiidha oo muddooyinkan ugu dambeeyay ka socday dalkaasi.Ugu horreynba talaabada ay qaaday Marseille ayaa ahaa inaysan jilibka dhulka dhigin oo aysan taageerin ololaha cunsuriyada lagaga soo horjeedo ee Black Lives Matter “BLM” ee caalamiga ah.Kaamerooyinka ayaa qabtay xiddigaha Manchester City ee martida u ahaa Marseille oo jilibka dhulka dhigay dhammaantood isla markaana…
Madax-Xanuunka Dhaawacyada Ee Juventus Oo Sii Socda, Xiddig
Daafaca dhexe ee kooxda Juventus ee Leonardo Bonucci ayaa ah ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee qayb ka ah kooxdaas ee shaki la gelinayo fursada uu u haysto inuu ka qayb qaato kulanka adag ee ay habeen dambe la yeelan doonaan dhigooda Barcelona.Daafaca ree Talyaani ayaa ciyaartii ay kooxdiisu toddobaadkan bar-bardhaca 1-1 ah lasoo gashay ee Serie A ka tirsanayd ee ay Verona la yeesheen bedel ku baxay daqiiqadii 75-aad kaddib dhaawac bawdada ah oo gaadhay.Sida lagu sheegay bogga hore ee wargeyska Spain caanka ka ah ee Diario AS,…
Magaca Kooxda Weyn Ee Uu Wadahadalada QARSOON La Yeeshay
Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa la sheegayaa inuu wadahadalo sir ah oo qarsoon la yeeshay kooxda dalkiisa France ee Paris Saint-Germain oo doonaysa inay bedel uga dhigto Thomas Tuchel oo hadda ka taliya kooxdeeda.Shaqada tababare Tuchel ee gegida Parc des Princes ayaa ah mid halis weyn ku jirta kaddib markii ay qaab gaabis ah kooxdu xilli ciyaareedkan ku bilaabatay.Sidoo kale shaqada Zidane qudheeda ayaan ahayan mid lugo adag ku taagan marka dhinac laga eego walow uu Sabtidii guul weyn oo El-Clasico ah…
Shaqada Mikel Arteta Ee Arsenal Oo Lala Bar-Bardhigay Midii
Tababaraha wakhtigan ee kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa lala bar-bardhigayaa midkii shaqada uga horreeyay ee Unai Emery iyadoo ay kasoo baxayso xog lama filaan ah oo muujinaysa sida uusan Arteta wax muuqda uga bedelin kooxdaasi.Iyadoo ay Arsenal ku faraxsan tahay haatan inay dib u fadhiisato oo ay wakhti siiso khadkeedii dhexe ee hore haddana calaamadaha horumarka ayaan ahayn kuwo wax fiican muujinaya.Isbar-bardhig hadda lagu sameeyay min 38-kii kulan ee ugu horreeyay ee ay Arteta iyo Emery ciyaareen ayuu tababaraha…
“Miyaad Ka Hinaastay In Liverpool Ay Premier League Qaaday
Tababaraha haatan ee kooxda Rangers ahna halyeeyga Liverpool ee Steven Gerrard ayaa ka hadlay dareenkiisii markii ay kooxdiisii hore ku guuleysatay horyaalka Premier League iyo haddiiba uu in yar oo hinaase ah dareemay maadaama oo uusan ka tirsanayn wakhtigaas.Gerrard ayaa ah halyeey Liverpool ah balse aan marnaba awoodin inuu kooxdiisa ku hoggaamiyo inay ku guuleysato Premier League wakhtigiisii kubadda cagta.Shaqsiga darajadaas ka tababare ahaan ugu hoggaamiyay Liverpool ayaa ah tababaraha ree Germany ee Jurgen Klopp…
“Isagu Waa Tartame, Waxaan Rajaynayaa…” – Kabtankii Arsenal
Kabtankii hore ee kooxda Arsenal ee Laurent Kosceilny ayaa markiisa ka hadlay xaalada uu kooxdaas kaga jiro ciyaaryahankii ay kasoo wada tirsanaayeen kooxda ee Mesut Ozil oo uu go’aan adag ka qaatay tababaraha haatan ee Mikel Arteta.Arteta ayaa qaab adag ula dhaqmay xiddiga ree Germany isaga oo ka saaray safafka uu kaga qayb galayo horyaalka Premier League iyo tartanka UEFA Europe League walow uu 350,000 oo Pound toddobaadkii mushahar ahaan uga qaato.Go’aanka uu gaadhay Arteta ayaa dhaliyay inay dagaal adag oo dhinaca afka…
Sergio Ramos Ma Yahay Daafaca Ugu Fiican Abid Kubadda Cagta?
Hal maalin kaddib guushii weyneyd ee 3-1 ka ahayd ee ay kooxdiisa Real Madrid kasoo hoysay dhigeeda Barcelona, shabakadda caanka ah ee bixisa Ballon d’Or ee France Football ayaa akhristayaasheeda weydiisay haddii uu kabtan Sergio Ramos yahay daafaca abid ugu wanaagsan kubadda cagta.Ramos ayaa sii wada inuu qabsado boggaga hore ee saxaafada ka faaloota kubadda cagta kaddib guushii kooxdiisa isaga oo kamid ahaa xiddigaha shabaqa Barcelona gaadhay kaddib rigoorihii uu dhaliyay.France Football ayaa akhristayaasheeda weydiisay…
Waa Kuwan Labada Tababare Ee Ay Man City U Dooratay Inay
Kooxda ree England ee Manchester City ayaa la xusayaa inay dooratay labada macalin ee ay midkood doonaysa inay bedel uga dhigato tababaraheeda haatan ee Pep Guardiola oo xilli ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah qaab adag ku bilawday.Labada macalin ee ay City dooratay ayaa lagu tilmaamay inay yihiin Julian Nagelsmann oo RB Leipzig hoggaan u ah iyo Mauricio Pochettino oo shaqo la’aan ah tan iyo markii Tottenham laga caydhiyay November 2019.The Daily Mail oo ah wargeyska xogtan laga helayo ayaa sheegaya in Nagelsmann iyo…
Hadaladii Uu Ku XANTAY Zidane Ee Cadhadu Ka Muuqatay,
Kahor kulankii El-Clasico ee dhex maray kooxaha Real Madrid iyo Barcelona Sabtidii, kanaalka ree Spain ee Movistar+ kaamerooyinkiisa ayaa qabtay xiddiga Real ee Isco oo ka hadlaya xidhiidhka ka dhaxeeya isaga iyo macalinkiisa tababare Zinadine Zidane.Isco ayaa la arkay isaga oo kursiga keydka fadhiya ciyaartii Camp Nou ee ay kooxdiisu guusha weyn soo gaadhay waxaana uu ka cabanayay sida uu tababarihiisa ula dhaqmo marka ay wakhti ciyaareedkiisa noqoto.Sawirada laga qabtay daqiiqadahaas ayaa muujinaya Isco oo la hadlaya qaar…
Jamaahiirta Real Madrid Oo Warkii Ay Sugayeen Ka Helay Eden
Real Madrid ayaa guul weyn oo muhiim ah oo 3-1 ahayd kasoo gaadhay kooxda uu loolanka taariikhiga ahi ka dhaxeeyo ee Barcelona waxaana ay haatan diirada saarayaan ciyaarta UEFA Champions League ee ay booqanayaan Borussia Monchengladbach.Real ayaa goolasha ay guusha dahabiga ah kusoo gaadhay shalay ka kala heshay xiddigaha kooxdeeda ee Federico Valverde, Sergio Ramos iyo Luka Modric halka uu goolka Barcelona qalinka ku duugay 17 sano jirka Ansu Fati.Si kastaba, warka wanaagsan ee ay Los Blancos heshay kahor ciyaarteeda…
