Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa xog cajiib ah kasoo diiwaan gashaday kulankii ay kooxdiisu shalay guusha muhiimka ah kasoo gaadhay dhigeeda Barcelona ciyaar ka tirsanayd horyaalka La Liga.Xogta layaabka leh ee uu Benzema soo sameeyay ayaa ah mid uu kaga gacan sarreeyo halyeeyada waaweyn ee Barcelona ee Lionel Messi oo kabtanka hadda ah iyo Andres Iniesta iyo Xavi Hernandez oo aan sharaxaad badan u baahnayn si fiicana loo garanayo.Xogtaas ayaa ah inuu Benzema haatan yahay ciyaaryahanka kulan El-Clasico…
Waatan Lacagta Aad La Yaabayso Ee Ay Man United Ku Diiday
Kooxda ree England ee Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay aad ugu dhawaatay saxeexa daafaca dhexe ee kooxda RB Leipzig ee Dayot Upamecano shan sano kahor balse ay ku diideen inay ku helaan lacag aad u jaban.Upamecano ayaa sanadkii 2017 lacag 9 Milyan oo Pound ah ugu wareegay dhinaca RB Leipzig waxaana uu tan iyo wakhtigaas kamid noqday daafacyada dhexe ee loogu doonista badan yahay qaarada Yurub.Arsenal, Liverpool, Manchester United iyo Real Madrid ayaa dhammaantood kamid ah kooxaha waaweyn ee lala xidhiidhiyay…
Brendan Rodgers Oo La Weydiiyay Sida Uu Mikel Arteta Ula
Tababaraha kooxda Leicester City ee Brendan Rodgers ayaa kahor kulanka caawa ay booqanayaan Arsenal wax laga weydiiyay xaalada khadka dhexe ee Mesut Ozil oo uu ciqaab marinayo dhigiisa Mikel Arteta.Xiddiga kusoo guuleystay koobka aduunka ayaan Arsenal kulan tartan ah usoo ciyaarin tan iyo bishii March waxaana laga saaray labada liis ee ciyaaryahanada kooxdaas u metelaya tartamada Europe League iyo Premier League.Rodgers oo caawa Emirates Stadium marti ku ah ayaa ku amaanay Ozil inuu yahay ciyaaryahan hibo cajiib ah leh balse…
Maxaa Ka Cusub Xaalada Cristiano Ronaldo & Fursadiisa
Tababaraha kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa ka hadlay xaalada kooxdiisa kahor kulanka ay habeen dambe Serie A la ciyaarayaan dhigooda Verona xilli uu sidoo kale kusoo wajahan yahay kulanka muhiimka ah ee Champions League ee Barcelona.Pirlo ayaa si weyn u sugaya tijaabada cusub ee xanuunka Korona Fayras ah ee laga qaadi doono Ronaldo xilli uu sidoo kale xaqiijiyay in Paulo Dybala uu ugu soo bilaaban doono kulankaas kooxdiisa.Ronaldo ayaa ahaa mid karantiin ku jiray tan iyo markii laga helay caabuqa isaga oo qarankiisa…
QIIMAYNTA Ciyaaryahanadda Kulankii Ay Real Madrid Soo Dubatay
Kooxda Real Madrid ayaa dhigeeda Barcelona oo uu tartanka weyn ee kubaddeed ee taariikhiga ahi ka dhaxeeyo kusoo dubatay gegida Camp Nou ciyaar xiiso weyn lahayd oo 3-1 kusoo dhammaatay.Federico Valverde ayaa hoggaanka u dhiibay Real daqiiqadii 5-aad ee ciyaarta balse waxa deg-deg goolkiisa u kansalay Ansu Fati oo saddex daqiiqo kaddib goolka looga horreeyay kasoo guday Blaugrana.Qaybtii dambe oo ahayd midii ay Los Blancos goolasha guusha heleen ayuu Clement Lenglet qalad ku galay Sergio Ramos taas oo dhalisay in la dhigo…
Wixii Lagu Xaman Jiray Bayern Munich Oo Xaqiiqo Noqday &
Kubad sameeyaha kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Brazil ee Philippe Coutinho ayaa markale si dadban uga markhaati ah awooda jidh ahaaneed ee ay Bayern Munich oo uu sanad amaah kula soo joogay kasoo dhisto xiddigaha kooxdeeda.Sida aad loogu hadal hayay baraha bulshada bilooyinkan ugu dambeeyay, Bayern ayaa aad u dhista jidh ahaan xiddigaha kooxdeeda iyadoo la samaynayay sawiro la isku bar-bardhigayay awoodoodii jidh ahaaneed ee hore iyo midii markii ay kooxdooda ku biireen.Xiddiga horumarka jidh ahaaneed ee ugu layaabka…
Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka West Ham United vs Man City –
Kooxda Manchester City oo uu hormood u yahay tababare Pep Guardiola ayaa booqanaysa West Ham United oo uu horkacato David Moyes isla markaana qaab ciyaareed wanaagsan kusoo jirtay guud ahaan saddexdii kulan ee ugu dambeeyay.City ayaa ciyaarteedii ugu dambaysay guul 1-0 ah kasoo gaadhay Arsenal oo marti u ahayd halka ay Hammers 12 daqiiqo hoggaan 3-0 ah kaga soo celiyeen Tottenham ciyaartoodii ugu dambaysay iyagoo 3-3 bar-bardhac kula soo galay.West Ham United ayuu safkeeda gabi ahaanba ka maqan yahay mucjisada carbeed ee…
“Kumaad Fashilmin Ozil Ee Waxaad Ku Fashilantay…..” Wakiilka
Wakiilka kubad sameeyaha kooxda Arsenal ee Mesut Ozil oo lagu magacaabo Dr Erkut Sogut ayaa farriin adag u diray tababaraha kooxdaas ee Mikel Arteta kaas oo qaab uusan ku qancin uga hadlay ciyaaryahankiisa dhawaan.Ozil oo 32 sano jir ah ayaan Arsenal u ciyaarin tan iyo bishii March waxaana ay u badantahay inuusan mar dambe kulan tartan ah matalin kooxdaas.Mikel Arteta ayaa liisaska kooxdiisa u metelaya kulamada Europe League iyo Premier League ka reebay Mesut Ozil oo wali ah ciyaaryahanka ugu mushaharka badan kooxda.Mesut…
Akhriso Xogtii Ugu Dambaysay Ee Xaalada Dhaawac Ee Sergio
Kooxda Real Madrid ayaa si ba’an uga wer-wer qabta xaalada kabtanka ahna hoggaanka kooxdeeda ee Sergio Ramos oo dhaawac qaba xilli ay berrito kulan adag booqan doonaan dhigooda Barcelona ciyaarta xiisaha badan ee El-Clasico.Ramos ayaa ahaa mid banaanka ka ah garoonka mudo tan iyo markii uu dhaawaca jilibka ahi gaadhay ciyaartii Cadiz ee Sabtidii hore isagoo intaas kaddib tababarka kusoo laabtay balse gaar u tababaranayay.36 sano jirkan ayaa la bedelay wakhtigii nasashada ee kulankii ay Cadiz guuldarrada kala kulmeen Sabtidii…
“Miyaad Doonaysaa In Ronaldo Diyaar U Noqdo Kulanka
Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa ka hadlay haddiiba uu doonayo in ninka ay saaxada ugu sarreysa kubadda cagta mudada dheer kusoo loolamayeen ee Cristiano Ronaldo uu diyaar u noqdo kulanka adag ee ay toddobaadka dambe Juventus booqanayaan.35 sano jirkaas ayaa ahaa mid markasta iska inkira da’diisa weyn oo hoggaan u ahaa Juventus balse waxa jirta suurogalnimo aad u sarreysa oo uu kaga maqnaan karo ciyaarta Barcelona kaddib markii laga helay xanuunka Korona.Juventus ayaa aad u doonaysa in Ronaldo uu uga qayb qaato…
