Ronaldo Nazario Waxa Uu Dhaliyey 88 Gool Oo Goolhayeyaasha

Halyeygii reer Brazil ee Ronaldo Nazario waxa uu dhaliyey 88 gool oo uu goolhayeyaasha dhulka seexiyey, isla markaana ay qaarkood daba rafteen, iyagoo isku dayayey inay badbaadiyeen kubadda goolkooda kusii socota.

Ronaldo oo lagu tilmaamo mid ka mid ah weeraryahannadii ugu fiicnaa ee dunida soo maray, waxa uu ciyaaray 616 kulan oo heer kooxeed iyo qarankiisaba ah intii uu xirfadda kubadda cagta ku jiray, waxaanu dhaliyey 414 gool.

Hibooyinka cajiibka ah ee uu lahaa Ronaldo ayaa waxay ahayd in aanu isku dhibin sidii uu kubadda u dhaafin lahaa goolhayeyaasha, waxaana inuu dhinac ka dhigo ama uu ku toogto uu ka jeclaa inuu si toos ah kubadda ugula tago, kaddibna u gooyo oo uu goolhayuhu daba galgasho.

Dhibaatooyinka uu goolhayeyaasha usoo geystay may ahayn kuwo lasoo koobi karayo, waxaana sidaas oo kale uu usoo dawakhin jiray difaacyahannada oo ahaa kuwa ka dhibaatada badnaa goolhayaha ee inta badan isku dayi jiray inay xakameeyaan amaba ay ka fogeeyaan goolkooda.

88 ka mid ah 414ka gool ee Ronaldo Nazario uu dhaliyey, waxay ahaayeen kuwo uu goolhayeyaasha kubadda ula tagay, una gooyey oo uu iyagoo arkaya kubadda ula dhaafay dhinaca goolkii ay waardiyaha ka ahaayeen.

Tiradan oo ah 21% goolasha uu Ronaldo dhaliyey, waxay muujinayaan heerka tayada uu lahaa iyo hibooyinka gaarka ah ee aanay cidina la wadaagin.

Magaciisa oo loo soo gaabinayay ‘R9’, waxa kaliya oo ka maqan oo aanu waligii ku guuleysanin Champions League oo kooxihii uu u ciyaarayay aanay nasiib u yeelanin waqtiyadii uu ciyaarayay, waxaana ugu dhoweyd AC Milan oo uu sannadkii 2007 isaga oo u ciyaaraya ay koobka ku guuleysteen, balse nasiib-darradiisa tartanka Champions League uma safanin maadaama uu qaybtii hore ee xili ciyaareedka usoo ciyaaray Real Madrid.

Xirfaddiisa Yurub waxay kasoo bilaabatay PSV Eindhoven oo muddo kooban oo uu joogay uu dunida oo dhan ku qabsaday, horyaalkaasina noqday mid indhuhu hayaan.

Barcelona oo kasoo qaadatay ayaa muddo kooban iyadana uu usii ciyaaray, waxaanu u dhaafay Inter Milan oo sannadihii uu u ciyaarayay ahaayeen kuwo inta uu garoomada ku jiray ay ka badnaayeen inta uu dhaawaca u jiifay.

Real Madrid ayuu waqti fiican lasii qaatay ka hor intii aanu AC Milan u wareegin.

Xulka qarankiisa Brazil ayuu u qaaday Koobkii Adduunka ee 2002, sidoo kalena 1998 ayuu keenay meel ay dareemeen uumiga koobka halka uu kaydka u fadhiyey qarankiisa sannadkii 1994kii ee ay Koobka Adduunka qaadeen.

Waxyaabaha layaabka leh ee Ronaldo laga diiwaangeliyey waxa ka mid ahaa, in markii ay da’diisu ahayd 23 jir uu dhaliyey in ka badan 200 gool oo kooxaha iyo qarankiisaba ah, isaga oo laba jeer jabiyey rikoodh kasta oo yaalay oo dhinaca gool dhalinta ah.

Dhaawacyada faraha badnaa ee soo gaadhay ayaa la rumaysan yahay inay xirfaddiisa hoos u dhigeen, haddii uu badqab uga ahaan lahaa dhaawacyada sida Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi na, waxay khubaradu ku doodaan in aanay jiri lahayn qof kale oo la barbar dhigi lahaa.

Halkan ka daawo qaar ka mid ah goolasha uu sida xun ugu jidh-dilay goolhayeyaasha:

Ronaldo dribbled past the goalkeeper 88 times to score a goal during his career. 88. pic.twitter.com/raPlNOxCGj

— Former Footballers (@FinishedPlayers) November 15, 2018

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More