Wasiirka Warfaafinta XFS oo sheegay cidda ay u xayiran tahay

Cismaan Abuukar Dubbe Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sharaxay howlaha lagu wajahayo Doorashada 20/21 oo la mariyay labada Gole ee BFS, isla markaana uu u codeeyay Baarlamaanka.

Wasiir Dubbe ayaa tilmaamay in Xukuumadda aan laga sugeyn howlaha doorashada, balse cidda laga doonayo qabashada shaqadaan ay tahay Guddiga farsamo & xalinta Khilaafaadka ee ka imaanaya DFS & DG.

“Xukuumadda Federalka lagama sugayo in ay gacmaha la gasho doorashada, waana doorka guddiga farsamada, balse waxaa nagala doonayaa in nala weydiisto oo aan bixino Ciidamada ammaanka, Gaadiidka, dhaqaalaha farsamada & waxyaabaha kale ee loo baahan yahay in loo adeegsado doorashada 20/21” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta XFS.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Xukuumadaha Culeys kuma saarna howsha doorashada, waxa kaliya haatan ku dheggan cilad farsamo, balse wax badan oo caqabad ah oo ii muuqda ma dhimana, 1-da Nofeembar wixii ka dambeeya ayaan u jiheysaneynaa howsha”.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe.

Cismaan Abuukar Dubba ayaa meesha ka saaray in khilaaf jiro uu sabab u yahay doorashada, waxaana uu xusay in heshiis laga gaaray, kaliya waxa dhiman ay tahay ku dhaqaaqista fulinta doorashada 20/21.

Soomaaliya ayuu sheegay in ay waaya-aragnimo wanaagsan u leedahay doorashooyinka, maadaama doorashadii saddexaad oo dalka lagu qabanayo ay noqoneyso tan la qorsheynayo in la qabto 20/21.

“Dhanka Dimuqraadiyadda Doorashada waxa aan ka sareynaa dalal badan oo afrika ah, waxaa innagu filan doorashooyinkii dalka ka dhacay 2012 & 2016, tan middii saddexaad, waxaana howsha gacanta ku haya Guddiga farsamo oo waaya-aragnimo u leh” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Heshiiskaan oo dhacay 17-kii September 2020 ayaa Baarlamaanka loo gudbiyay 26-kii September 2020 oo ah 9-cishe kadib markii lasoo gaba-gabeeyay wada-xaajoodka siyaasadeed ee DFS & DG.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More