Guddoonka Golaha Shacabka oo soo saaray go’aan culus oo saameynaya Warbaahinta Madaxa Banaan

Sabti, September, 7, 2024 (AX) – Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo shirarka jaraa’id ee lagu qabto gudaha iyo banaanka xarunta Golaha Shacabka.

Amarkaan kasoo baxay guddoonka Golaha Shacabka ayaa ahaa mid si toos ah loola wadaagay Warbaahinta iyo wariyaasha sida gaarka ah wararka uga soo tabiya fadhiyada Golaha Shacabka.

Go’aankaan cusub ayaa noqonaya mid si toos ah u saameynaya shaqada warbaahinta madaxa banaan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho iyo walba Xildhibaanada qudhooda oo fariimahooda kusoo gudbin jiray shirarka ay ku qabtaan xarunta Baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee shirarka jaraa’id ee lagu qabto gudaha iyo banaanka xarunta Golaha Shacabka ayaa inta badan waxaa qaban jiray Xildhibaannada mucaaradka ku ah dowladda kuwaas oo dhaliilo culus u jeedinayay madaxda ugu saraysa dalka.

Ugu dambeyntii wali si rasmi ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa go’aankaan cusub, hayeshee waxa uu kusoo beegmaya kadib xiisadii ka dhalatay dhawaan hadaladii kasoo yeeray xildhibaannada kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee shirka jaraa’id ku qabtay banaanka xarunta Golaha Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More