Gaari Al-shabaab sahay u siday iyo raggii waday oo lagu qabtay gobolka Mudug

Jimco, September, 6, 2024 (AX) – Ciidamada amaanka maamulka gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay gaari sahay u siday kooxda Al-shabaab iyo ragii waday.
Gaariga sahayda u siday Al-shabaab ee gacanta lagu dhigay ayaa ahaa nooca Soomaalidu u taqaano Nohada, waxaana ku rarna raashiin fudud iyo shidaal loo waday deegaano ay ku sugan yihiin Al-shabaab.

Ciidamada amniga ayaa qabtay gaarigaan iyo ragga waday oo la tilmaamay iney kusii jeedeen deegaanada Dumaaye iyo Dabalo oo ku yaala Koonfurta gobolka Mudug, waxaana la sheegay iney kasoo ambabaxeen magaalada Gaalkacyo.

Taliska ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa sheegay in baaritaano lagu haayo gaarigaan iyo ragga waday, islamarkaana la horkeeni doono Maxkamaddaha ku shaqada leh.
Ma ahan marki ugu horeysay oo ay ciidamada amaanka gobolka Mudug gacanta ku dhigaan gaari sahay u sida kooxda Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More