Hogaamiye Xasan Sheekh oo kulan gaar ah kula qaatay Aqalka Beijing dhigiisa dalka Shiinaha

Jimco, September, 6, 2024 (AX) – Hogaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay Aqalka Beijing ee dalka Shiinaha dhigiisa dalkaas madaxweyne Xi Jinping.

Kulanka laba geesoodka ahaa ee dhexmaray labada Hogaamiye ayaa ahaa mid ay kaga wada hadalayeen sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, islamarkaana meel sare loo gaarsiin lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab.

Labada madaxweyne ee dalalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sidoo kale is dhaafsaday in dhinac walba uu si buuxdo u ilaalinayo Wadajirka iyo midnimada labada shacab, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah.

Hogaamiyaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa dhankiisa sheegay dowladdiisa ay fulineyso balanqaadkii ahaa in Soomaaliya ay ku sameysaneyso maalgashi, wuxuuna ku dhawaaqay in lacag dhan 200 oo milyan oo ah lacagta dalkiisa inuu ku taageerayo dowladda Fedaraalka Soomaaliya, si wax loogu qabto qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya.

Kulankaan maanta dhexmaray labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa kusoo aadaya, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka Shiinaha uga qeyb galayo shir u dhaxeeya Afrika iyo Shiinaha, waxaana xusid mudan in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan, islamarkaana horey u gaareen labada dhinac heshiisyo kala duwan oo qeyb ka ahaa horumarinta Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More