Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir oo sheegay in Maxkamaddu ka jirto xaalad garsooreyaal la’aan ah

Jimco, September, 6, 2024 (AX) – Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud Dabaan ayaa shaaca ka qaaday in sanadkaan 2024 Maxkamaddu qabatay gal dacwadeedkii ugu tirada badnaa, islamarkaana Maxkamaddu ay wajaheyso xaalad garsooreyaal la’aan ah.

Wuxuu tilmaamay in kiisaska tirada badan ee Maxkamaddu qabato iyo garsoorayaasha ay heli karaan ineysan aheyn kuwa isku dhgma, taasina ay sababto in marar badan dib u dhac uu ku yimaado waqtiga loogu talo galay qaadista dacwada.

Guddoomiye Saalax Cali Dabaan Dabaan ayaa codsaday in la howlgeliyo 30 Garsoore oo sanadkii hore kusoo gudbay Imtixaan laga qaaday si loo dadejiyo kiisaska badan ee horyaala Maxkamadda.
“Duruufta la xiriirta Garsoorka iyo Garsooreyaasha jooga iyo nambarka dacwo ay hayaan in aanay suuragal ahayn in la dadejiyo, waa in la howlgeliyo 30ka garsoore oo lo helo xuquuqdooda,

Garsoore aan xuquuq Xukumadda ku lahayn in Gal lagu qoro uuna ka garnaqo waad fahmi kartaan in uu caddaalad ka gaaro aad ayay u adag tahay” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Saalax Cali Maxamuud.

Hadalkaan kasoo yeeray gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa kusoo aadaya, iyadoo horay dad badan cabasho ka muujiyeen qaadista kiisas Maxkamadda oo la horgeeyay oo qaatay waqtiyo aad u dheer.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More