Liverpool & Manchester City Oo Guulo Gaartey, Klopp Oo Cidlo

Liverpool iyo Manchester City ayaa guulo kasoo gaadhay kulamadoodii Champions League ee caawa, waxaanay soo garaaceen labada kooxood ee Midtjylland iyo Marseille.

Laba gool oo ay u kala dhaliyeen Diogo Jota iyo Mohamed Salah ayaa Liverpool ka caawiyey inay guusha kulankan hesho, laakiin tababare Jurgen Klopp ayaa qalbi-jab ka qaaday dhaawacyo soo gaadhay Fabinho oo booskii Van Dijk sii buuxinayay iyo Henderson oo ciyaarta ka baxay daqiiqaddii 30aad iyo waqtigii nasashada.

Manchester City ayaa iyaduna 3-0 ku garaacday kooxda kubadda cagta Marseille oo ay marti ugu ahayd waddanka France, waxaana goolka koowaad u saxeexay Ferran Torres, iyadoo laba kalena ay ka daba keeneen Ilkay Gundogan iyo Raheem Sterling oo qaybtii dambe min hal gool dhaliyey.

Labadan kooxood ayaa rikoodhkooda guulaha Champions League ay yihiin boqolkiiba boqol maadaama ay labadoodii ciyaaroodba soo guuleysteen, waxaanay haystaan min lix dhibcood, iyagoo hoggaaminaya group-yadooda.

Shaxdii Liverpool vs Midtjylland

MIDTJYLLAND (4-2-3-1): Mikkel Andersen; Paulinho, Alexander Scholz, Erik Sviatchenko, Joel Andersson; Jens Cajuste, Frank Ogochukwu Onyeka; Awer Mabil, Pione Sisto, Anders Dreyer, Sory Kaba.

Kaydka: Bozhidar Kraev, Nicolas Madsen, Dion Cools, Evander, Mikael Anderson, Oliver Ottesen, Luca Pfeiffer, Lasse Vibe, Nikolas Dyhr, Valdemar Birkso Thorsen, Manjrekar James, Gustav Isaksen.

LIVERPOOL (4-2-3-1): Alisson; Andy Robertson, Joe Gomez, Fabinho, Trent Alexander-Arnold; James Milner, Jordan Henderson; Diogo Jota, Takumi Minamino, Xherdan Shaqiri; Divock Origi.

Kaydka: Neco Williams, Vitezslav Jaros, Georginio Wijnaldum, Rhys Williams, Adrian, Jake Cain, Mohamed Salah, Curtis Jones, Sadio Mane, Roberto Firmino.

Jurgen Klopp ayaa isbeddello waaweyn ku sameeyey safkiisa, waxaanu kaydka dhigay Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino, halka ay Thiago iyo Virgil Van Dijk dhaawac kaga maqnaayeen.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay jawi ay labada kooxoodba deggan yihiin, laakiin Liverpool oo kulankii hore si dhib badan ugaga soo badisay Ajax ayaa waxay xiddigaheeda cusub isku dayeen inay kulanka isku muujiyaan sida Shaqiri, Jota iyo Origi, halka Minamino uu haystay booskii Firmino.

Liverpool ayaan khatar badan gelin, fursaduhuna ku yaraayeen qaybtii hore oo dhan, waxaanay u muuqdeen in laacibiinta weerarku aanay isla haysanin.

Tababare Klopp ayaa madaxa hoos u foorariyey daqiiqaddii 30aad markii uu arkay in laacibka khadka dhexe ee Fabinho oo difaaca ka ciyaarayay kulamadii ugu dambeeyey aanu sii wadan karayn ciyaarta oo uu dhaawac muruqa ah qabo, waxaana lagu beddelay da’yarka Williams, taas oo difaac la’aan ka dhigtay Liverpool.

Qaybta labaad ayaanu lasoo laabanin kabtan Jordan Henderson, waxaana booskiisa yimid Wijnaldum, taas oo iyadana la tuhunsan yahay in sababta loo beddelay ay dhaawac tahay.

Daqiiqaddii 55aad ee ciyaarta ayay Liverpool heshay gool uu u dhaliyey Diogo Jota oo taariikhda kooxda galay maadaama uu dhaliyey goolkii 10,000 ee ay Liverpool dhalisay laga soo bilaabo September 1892kii, iyadoo goolkii ugu horreeyeyna uu u dhaliyey Jock Smith.

Sadio Mane iyo Mohamed Salah ayaa soo galay qaybtii dambe, waxaana dhamaadkii ciyaarta rikoodhe loo dhigay ay Liverpool kusii korodhsatay natiijada kooxda, kaas oo uu gool u beddelay Mohamed Salah.

Manchester City ayaa dhinaceeda si xun usoo garaacday Marseille oo garoonkeeda joogtay, waxaana ciyaartan oo Pep Guardiola uu ka walaacsanaa weeraryahanno la’aan ka farxiyey saddex ciyaartoy oo kooxdiisa.

Ferran Torres oo kubbad ka helay Kevin de Bruyne oo dhaawac kasoo laabtay ayaa Manchester City u saxeexay gool qaybtii hore, waxaana uu goolkaasi ahaa midka kaliya ee ciyaarta ka dhashay qaybta hore.

Daqiiqaddii 76aad ayuu Ilkay Gundogan u dhaliyey goolka labaad, inyar kaddibna waxa midka labaad ka daba keenay Raheem Sterling.

Natiijooyinka kulamadii Champions League ee caawa oo dhamaystiran

Lokomotiv Moscow 1-2 Bayern Munich

Atletico Madrid 3-2 Salzburg

Shakhtar Donetsk 0-0 Inter Milan

Borussia Monchengladbach 2-2 Real Madrid

FC Porto 2-0 Olympiacos

Marseille 0-3 Manchester City

Atalanta 2-2 Ajax

Liverpool 2-0- FC Midtjylland

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More