Natiijada Kasoo Baxday Wada-hadalladii Kylian Mbappe Iyo PSG
Kooxaha Manchester United, Liverpool iyo Real Madrid ayaa u xadhko xidhanaya inay ku dagaallamaan weeraryahanka da’da yar ee reer France ee Kylian Mbappe, kaddib markii ay fashil kusoo dhamaadeen wada-hadallo usocday kooxdiisa oo PSG ay ku doonaysay inuu heshiiska ugu kordhiyo.
PSG ayaa muhiimadda kooxdaad ka dhigatay sidii ay qandaraaska ugu kordhin lahayd Mbappe oo si xor ah uga tegi doona xagaaga 2022 haddii aanay inta ka horreysa ku heshiin inuu waqtiga u kordhiyo, haddii kalena ay ku qasban yihiin inay iibiyaan marka uu dhamaado xili ciyaareedkan ee la gaadho bisha June si ay uga baaqsadaan in aanu 21 jirkani si bilaash ah kaga tegin.
Wargeyska caanka ah ee L’Equipe ayaa qoray in kooxda reer France iyo ciyaartoygeedan ay yeesheen wada-hadalladii ugu horreeyey ee heshiis kordhin ay ku gorfaynayeen laakiin labada dhinac ay ku kala kaceen wada-xaajoodka oo ay arrimahoodu adkaadeen.
Wargeysku waxa uu intaa ku daray in PSG ay diyaar u tahay inay wax walba u samayso xiddigeedan da’da yar si ay ugu sii hayso Parc des Prince oo uu heshiiska ugu kordhiyo, laakiin uu isaguna doonayo inuu dibedda uga baxo waddanka Faransiiska si ay suurtogal ugu noqoto inuu ku guuleysto abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or oo uu rumaysan yahay in aanu ku heli doonin gudaha France.
Kooxaha Real Madrid, Liverpool iyo sidoo kale Manchester United ayaa la sheegayaa inay si dhow ula socdaan xaaladda laacibkan oo ay ku loollami doonaan inay lasoo saxeexdaan xagaagan haddii ay xaalladdiisu sidan sii ahaato.
Tababare Zinedine Zidane oo bartilmaameedkiisa koowaad uu u yahay Mbappe xagaagan ayaa waxa uu rumaysan yahay in PSG ay ku qasban tahay inay iibiso Mbappe marka la gaadho bisha June maadaama sannadka xiga uu si xor ah uga tegi doono, taasna aanay u badheedhi doonin.
Jurgen Klopp iyo Mbappe oo iyaguna marar badan amaan isku mariyey warbaahinta ayaa sidoo kale la sheegayaa in Liverpool ay ka shaqayn doonto sidii ay ugu midayn lahayd Anfield, halka Manchester United ay raadinayso weeraryahan dhaliye fiican ah oo ay u kala dooranayso Erling Haaland iyo Kylian Mbappe, iyagoo dhinaca laacibka reer France u janjeedhsan doona haddii ay arkaan fursado ay ku heli karayaan.