Barcelona Oo La Timid Xeelad Ay Bartomeu Iyo Guddida

Maamulka kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa maanta warqad gaadhsiiyey Peres Aragones oo ah Madaxweynaha Dawlad-goboleedka Catalonia, taas oo si cad loogaga dalbanyo in la joojiyo mooshinka codka kalsoonida loogyu qaadayo madxweynaha Josep Maria Bartomeu iyo guddidiisa maamulka kooxda.

Isniintii maanta ayay idaacadda RC daboolka ka qaaday in Pere Aragones uu helay warqadda codsiga  ah ee uga yimid Madaxda Barcelona xilli la dardar geliyey in xilka laga qaado, isla markaana si buuxda loo ansixiyey in mooshankani dhaqan-gal yahay oo ay nasiibkooda ka qaadi doonaan.

Waqtiga codka kalsoonida ayaa waxa hore loogu qorsheeyey November 1 iyo 2, balse waxa uu Bartomeu isku dayayaa inuu dhinaca dawladda dhabarka saaro oo uu ku marmarsiiyoodo xanuunka Korona Fayras ee dunida aafeeyey iyo in waqtigan xaasaasiga ah xoogaa dib loo riixo.

Barcelona waxay ku andacootay in hannaanka loo marayo codka kalsoonida uu yahay mid adag, ayna ahayd in sharciyan la siiyo 15 maalmood.

Ka hor inta aanay xubnaha Guddida maamulka ee kooxdu gelin shir, waxay weydiisteen Pere Aragones inay ka maqlaan inuu codka joojiyo, taas oo la sugayo jawaabta ay kasoo bixin doonto dawladdau.

Kooxaha hormoodka u ah ee abaabulayo aftida codka kalsoonida loogu qaadayo Bartomeu ayaa ku hanjabay in haddii Isniinta maanta si dhab ah loo mudayn waayo waqtiga dhegaysiga, inay sharciga la tiigsan doonaan oo iyagoo xilka haya la maxkamadayn doono.

Si kastaba, Madaxweyne Bartomeu iyo guddida maamulka ee boodhka sare ayaa la filayaa inay isla maanta iscasilaan haddii dawladdu ay ogolaato in codka kalsoonida la qabto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More