Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte  Qaalib ayaa goordhow oo maanta ah gaaray magaalada Hargeysa kaddib markii uu cafis ka helay madaxweynaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi.

Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu sheegay in madaxtooyadu cafis u fidiyay Maxamed Cumar Carte si uu u yimaado magaalada Hargeysa oo uu ku xanuunsanayo Aabihii Cumar Carte Khaalib.

Cumar Carte Khaalib oo ah Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdihii soo maray dalka iyo sidoo kale soo noqday ayaa ku xanuunsanaya magaaladda Hargaysa ee Caasimadda Gobaladda Waqooyi.

Lama oga in  Maxamed Cumar Carte uu iska casilay ama  ka tanaasulay xiikii uu ka hayay dowladda Soomaaliya isaga oo ahaa xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, balse Qoraalka ka soo baxay madaxtooyada Gobaladda Waqooyi ayaa lagu sheegay in Maxamed Cumar Carte uu ka noqday fikirkiisii hore ee ku aadanaa midnida Soomaaliya.

Dhinaca kale Xisbiyada Mucaaradka Gobaladda Waqooyi ayaa ka digay in Raysul Wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka tego Magaalada Hargeysa, iyagoo tegitaankiisa Caasimadda Gobaladda Waqooyi shuruud uga dhigay ka tanaasulka fikirka midnimadda Soomaaliyeed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More