Skip to content
Monday, October 12, 2026 29 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:45
Muqdisho 28°C
Breaking: Somali Prime Minister Congratulates Sagal Abdi-Wali on Historic UK Parliament Victory
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

TOP FIVE: Akhriso Liiska Shanta Kooxood Ee Lacagta Ugu Badan Galiyay

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
TOP FIVE: Akhriso Liiska Shanta Kooxood Ee Lacagta Ugu Badan Galiyay

Kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa dareemay saamaynta uu ku yeeshay dhaqaale ahaan xanuunka Korona Fayras, kaliya kooxaha ay taageerada siiyaan mulkiilayaashooda qaniga ah ayaa u muuqda kuwo ka duwan kuwa kale.

In kooxaha qaar ay ka jeeb weynaadaan kuwa kale ayaa sixir barar ka dhalisay suuqa, in ciyaaryahan lagu bixiyo wax ku dhaw 100 Milyan oo euro ayaa wax ay adagtahay in la maqlo ahayd tobban sano kahor halka uu suuqa maanta wax caadi ah ka yahay.

Inta aan meelo kaleba la qiimayn kaliya gudaha suuqan ayaynu aragnay laba saxeex oo ka badan 100 Milyan oo euro waxayna kala yihiin Jack Grealish oo 117.5 Milyan euro ugu biiray Man City iyo Romelu Lukaku oo 115 Milyan oo euro ugu biiray Chelsea.

Haddaba, waxaanu halkan idinkula wadaagaynaa shanta kooxood ee lacagta ugu badan geliyay suuqa kala iibsiga tan iyo sanadkii 2003.

5: Manchester United – 1.82 Bilyan euro

Saxeexyada ay sameeyeen ee qaaliga ah ayaa laga xusi karaa: Paul Pogba (105 Milyan oo euro), Romelu Lukaku (84), Harry Maguire (87), Angel Di Maria (75), Jadon Sancho (85);.

4: Real Madrid – 1.91 Bilyan euro

Saxeexyada ay sameeyeen ee qaaliga ah ayaa laga xusi karaa: Eden Hazard (115 Milyan oo euro), Gareth Bale (101), Cristiano Ronaldo (94), Zidane (77.5), James Rodriguez (75), Kaka (67)

3) Barcelona – 1.98 Bilyan euro

Saxeexyada ay sameeyeen ee qaaliga ah ayaa laga xusi karaa: Philippe Coutinho (160 Milyan oo euro), Ousmane Dembele (135), Antoine Griezmann (120), Neymar (88), Frankie De Jong (86), Luis Suarez (81), Ibrahimovic (69.5)

2) Manchester City – 2.24 Bilyan euro

Saxeexyada ay sameeyeen ee qaaliga ah ayaa laga xusi karaa: Jack Grealish (117 Milyan euro), Kevin De Bruyne (76), Ruben Dias (68), Riyad Mahrez (67), Joao Cancelo (65), Aymeric Laporte (63), Raheem Sterling (63)

1) Chelsea – 2.34 Bilyan euro

Saxeexyada ay sameeyeen ee qaaliga ah ayaa laga xusi karaa: Romelu Lukaku (115 Milyan euro), Kai Havertz (80), Kepa Arrizabalaga (80), Alvaro Morata (66), Christian Pulisic (64), Fernando Torres (58), Jorginho (57).

How do you rate this story?

0 votes