Skip to content
Monday, October 12, 2026 29 Rabi al-Thani 1448 AH Asr 15:00
Muqdisho 28°C
Breaking: UN agency says at least 139 migrants, including children, die after Djibouti-Yemen boat capsizes
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Muxuu Mikel Arteta Ka Yidhi Saxeexa Cusub Ee Ben White, Lambarkee Ayuu

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Muxuu Mikel Arteta Ka Yidhi Saxeexa Cusub Ee Ben White, Lambarkee Ayuu

Mikel Arteta ayaa amaanay saxeexa cusub ee Arsenal ee Ben White oo uu ku tilmaamay ‘difaacii dhexe ee qorshaha muddada dheer ee Arsenal’, kaddib markii uu laacibkan si rasmi ah usoo cago-dhigtay Emirates Stadium.

Gunners ayaa maanta oo Jimce ah waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday saxeexa White oo 23 jir ah oo ay £50 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Brighton.

Tababare Mikel Arteta oo ka hadlay madashii lagu soo bandhigay laacibkan ayaa uu yidhi: “Ben waxa uu noo ahaa bartilmaameedka ugu sarreeya, waanay wanaagsan tahay in aanu dhamaystnay saxeexiisa. Ben waxa uu wax kusoo bartay laba kooxood oo aad u wanaagsan, Brighton iyo Leeds, xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyey.

“Waxa uu si fiican uga soo faa’iidaystay laba tababare oo aad u wanaagsan, waxaanu muujiyey hibadiisa xooggan markii uu joogay Brighton iyo waqtigii amaahda ee Leeds.”

Mikel Arteta oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey: “Ben waa difaac cagli badan oo aad ugu raaxaysta marka ay kubaddu lugtiisa ku jirto iyo qaabkiisa oo ku habboon kooxdayada. Dabcanna, wali wuu yar yahay, da’diisa iyo xirfaddiisuna waxay ku habboon yihiin waxa aanu halkan ku dhisayno.

“Waxa aanu rajaynaynaa in Ben uu noqon doona difaacyaga dhexe ee mustaqbalka iyo qorshaha waqtiga dheer.”

Ben White ayaa waxa uu Arsenal u xidhan doonaa No.4 oo markii ugu dambaysay uu xidhnaa Willian Saliba.

How do you rate this story?

0 votes