Ma Aha Zuma & Emerson, Chelsea Oo Ogaatay Xiddiga Ay Doonayso Sevilla

Chelsea ayaa Khamiistii shalay heshay jawaabta dalab ay ka gudbisay difaaca Faransiiska ah ee Jules Kounde oo u ciyaara Sevilla, waxaana loo sheegay in aanu Kurt Zouma ahayn sheeko qaban karta meesha balse ay la  yimaaddaan lacagta ku xidhan qandaraaskiisa, laakiin taasi ma aha go’aanka ugu dambeeya ee Sevilla.

- Advertisement -

Tababare Thomas Tuchel oo ay ka go’an tahay sidii uu u difaacan lahaa Champions League oo ay xilli ciyaareedkii dhowaa ku guuleysteen, waxa raadinayaa xiddigihii ka caawin lahaa in uu hammigiisa suurtogeliyo, iyadoo ay muuqato in weeraryahannadii uu qorshaysanayay ay adag tahay inuu helo.

Dalabkii ay Blues u gudbisay Sevilla ayaa iskugu jiray £30 Milyan oo Gini oo kaash, lacago kale oo ku xidhnaa bandhiga Kounde oo gaadhaya ilaa £15 milyan oo gini oo kale iyo Kurt Zouma.

Waxa kale oo ay Chelsea Sevilla kala dooransiisay Kurt Zouma iyo difaaca  Talyaaniga ee Emerson oo ay u sheegtay inay qaadato midka ay ku qanacsan tahay.

Sevilla ayaa intii ay wada-hadalku socdeen ku adkaysatay in kaliya laga doonayo Chelsea £68 milyan oo Gini oo u dhiganta 80 milyan oo Euro.

Si kastaba, Chelsea ayaa ogaatay in Sevilla ay danaynayso ciyaartoy kale oo ka tirsan kooxdeeda, kaas oo ka caawin kara in ay helaan Jules Kounde oo qiimihiisu ka hooseeyo inta haatan laga doonayo.

Wargeyska The Athletic ayaa sheegay in Sevilla ay doonayso difaaca Chelsea ee Andreas Christensen iyo lacag kaash ah oo aan ka yarayn intii ay markii hore Blues usoo bandhigtay.

Christensen oo ay da’diisu tahay 25 jir ayay Chelsea doonaysaa in ay sii haysato oo ay waliba la furto wada-hadallo lagu kordhinayo heshiiskiisa oo ku eg xagaaga dambe.

Chelsea ayaa go’aan ka gaadhi doonta haddii ay Christensen ogolaan doonto inuu tago Sevilla oo uu qayb ka noqdo heshiiska Kounde iyo in kale, waxaana la filayaa in ka hor bilowga horyaalka Premier League uu go’aanka ugu dambeeya soo baxo.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More