Skip to content
Sunday, September 20, 2026 7 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:39
Muqdisho 25°C
Breaking: Ted Cruz meets North Western State of Somalia president, renews call for U.S. recognition
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

HESHIIS DHAN: Manchester United Oo CAAWA La Wareegaysa Raphael Varane

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Laacib

Manchester United ayaa u dhow in ay dhamaystirto saxeexa xiddiga reer France ee Raphael Varane oo difaaca uga ciyaara Real Madrid, kaas oo ay hore ula gaadhay heshiis shaqsi ah.

Varane ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda ay United sida weyn uga doonaysay suuqa iibka ciyaartoyda iyadoo uu heshiiskiisa Santiago Bernabeu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in labada kooxood ay heshiis ka gaadheen iibka Raphael Varane oo ay Real Madrid aqbashay in ay £38.5 milyan oo Gini ku iibiso Varane.

Wargeyska Manchester Evening News iyo sidoo kale Daily Mail ayaa labaduba qoray in labada kooxood isla gaadheen heshiis, balse waxyaabo yaryar oo xaalxaal ah oo aan macno badan lahayn ay isla dhamaystiri doonaan caawa.

Warka ayaa intaa ku daray, in Varane uu xilli dambe oo caawa noqon karo ciyaartoy ka tirsan Manchester United oo kaliya la sugi doono inta uu tijaabada caafimaadka marayo, iyadoo horena loo ogaa in Red Devils ay heshiis shaqsi ah lasii gaadhay laacibkan.

Raphael Varane oo Jimcihii kusoo laabtay tababarka kooxdiisa ayaa lagu soo warramayaa in uu ka maqnaaday tababarkii Real Madrid ee maanta, iyadoo uu u diyaar-garoobayay safarka uu ku tegayo Ingiriiska si uu Manchester United ugu wareego.

How do you rate this story?

0 votes