Griezmann, Coutinho Iyo Ousmane Dembele – Magacyada SAGAAL Oo Kale Oo

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa sii wadaysa hawl-galkeedii ahaa in ay iibiso ciyaaryahannada waaweyn ee kooxda si ay meel ugu bannayso saxeexyadii cusbaa, isla markaana hoos ugu dhigto mushaharkeeda oo illaa kala-badh iyo ka badan laga doonayo inay dhinto intii ay xilli ciyaareedkii hore bixisay.

LaLiga ayaa ku wargeliyey Barcelona in aanay u diiwaangelin doonin Lionel Messi iyo saxeexyadii cusbaa ee ay samaysay kooxdu xagaagan, illaa ay soo gasho xayndaabka aanay ka gudbi karin ee laynka mushaharka ee loo jeexay, taas oo waqtigan aanay suurtogal ahayn inay soo geli karto, illaa inta ay meesha ka saarayaan xiddigaha waaweyn ee mushaharooyinka badan qaata.

Antoine Griezmann oo ay Barcelona sannadkii 2019kii kusoo iibsatay lacag gaahdaysay €120 milyan oo Gini ayaa ka mid noqday sagaal ciyaartoy oo ay kooxdu go’aamisay in ay iibiso si ay uga bixi karto mushkiladdan ay madaxa la gashay ee sababta u noqon karta in horyaalku diido in ay ciyaaraan Messi, Depay, Garcia, Aguero iyo laacibiintii kale ee yimid Camp Nou.

Warka ayaa intaa ku daray, in uu sidoo kale uu liiskan ku jiro Philippe Coutinho oo ay ciyaartoyga ugu qaalisan taariikhda Barcelona iyo Ousmane Dembele oo isaguna ah laacibka saddexaad ee ugu qaalisanaa ee ku xiga Coutinho iyo Griezmann.

Martin Braitwaite ayaa noqdayy ciyaartoyga kaalinta afraad kaga jira liiskan, waxaana sidoo kale ku jira Pjanic oo lala xidhiidhinayo Juventus, Clement Lenglet, Neto iyo difaacyada bidix ee Emerson iyo Moussa Wague.

Waxa kale oo liiskan sii raaca Gerard Pique, Sergio Busquets, Jordi Alba iyo Sergi Roberto.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More