RIKOODH: Harry Kane Oo Kusii Jeeda Man City, Lacagtii Abid Ugu Badnayd

Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa lagu soo warramayaa in uu ka tegayo Tottenham oo uu rikoodhkii iibka ee ugu qaalisanaa abid Premier League uu ku tegi doono Manchester City oo ka bixinaysa £160 milyan oo Gini.

Kane ayaa horraantii xagaagan, waxa uu kooxdiisa ku wargeliyey damaciisa ah in uu doonayo inuu ka tago woqooyiga London iyo kooxdiisa Tottenham si uu ugu guuleysan karo koobab, waxaana markiiba calanka taagatay Manchester City oo raadinaya dhaliye dabiici ah oo ka caawin kara in ay sii wadaan guulaha tartamada maxalliga ah iyo Champions League oo finalkii ay soo gaadheen xilli ciyaareedkii hore.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay, in Kane uu noqon doono ciyaartoyga ugu mushaharka badan Premier League, isla markaana lacagta uu toddobaadlaha u qaadan doono ay noqonayso mid rikoodh cusub u dhigaysa horyaalka.

Wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK, ayaa ogaaday in Harry Kane uu usbuucii mushahar ahaan u qaadan doono lacag gaadhaysa £400,000 Gini oo kaash ah, taas oo ka dhigi doonta ciyaartoyga ugu mushaharka badan horyaalka Premier League.

Bishii hore ayay Manchester City ka gudbisay Kane dalab xambaarsanaa £100 milyan oo Gini, laakiin tababaraha cusub ee Tottenham ee Nuno Espirito Santo ayaa maalmo ka hor tibaaxay inay rajaynayaan in ay sii haysan karaan Kane.

Si kastaba, wararkii u dambeeyey ayaa sheegaya in Tottenham ay ogolaatay in ay iibiso Harry Kane oo ay Manchester City diyaar u tahay inay bixiso £160 milyan oo Gini, kana dhigto laacibka ugu mushaharka badan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More