Skip to content
Friday, October 30, 2026 18 Jumada al-Ula 1448 AH Dhuhr 11:42
Muqdisho 28°C
Breaking: Sudan Market Drone Strike Kills at Least 36 People
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Wararkii ugu dambeeyay ee xiisadda u dhaxeysa Imaaraadka iyo…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read

Riyadh (Axadle) – Hoggaamiyayaasha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa Isniintii ku kulmay magaalada Riyadh, si ay u adkeeyaan xiriirkooda kadib markii dhowaan labada dowladood ay hadallo hawada isu mariyeen ayaga oo ku muransan qiimaha shidaalka caalamka.

“Walaalkey Mohammed bin Salman iyo aniga waxaan ka wada-hadalnay hababka lagu xoojin karo xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga muhiimka ah ee labadeena dal,” waxaa sidaas yiri dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed kadib kulan uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Mohammed bin Salman.

- Advertisement -

“Saaxiibtinimada Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya waxay weli tahay mid xooggan oo barwaaqo ah,” ayuu Bin Zayed ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA ayaa dhankeedana werisay in Mohammed bin Salman uu garoonka kusoo dhoweeyey Mohammed bin Zayed, labada hoggaamiyena ay yeesheen wada-hadallo miro dhal ah.

Labadan hoggaamiye ayaa muddo loo arkay lamaanaha awoodda gobolka, waxayna ku caan yihiin xarfaha magacyadooda loo soo gaabiyo eee MBZ iyo MBS. Hase yeeshee, kulan la’aan jirtay muddooyinkii dambe ayaa sare u qaaday xan ku saabsan in xiriirkooda uu dabcay.

Muran horraantii bishan ka dhashay heshiis ay dalalka shidaalka soo saara ee OPEC+ qorsheynayeen ayaa sidoo kale khilaaf ka dhex-abuuray labada dal, oo laba waddo kala raacay.

Loolan ku dhisan dhaqaale ayaa xuddun u ah khilaafka, ayada oo dalalka Khaliijka ay isku dayayaan inay ka faa’iideystaan keydkooda shidaalka, xilli ay wajahayaan in dunida mar aan dheereyn ay ka kaaftoomi doonto shidaalka intiisa badan.

Imaaraadka Carabta ayaa heshiiska OPEC+ ku qeexay “mid caddaalad darro ah” ayada oo kula loolantay Sacuudiga oo ah dalka dhoofiya shidaalka ugu badan caalamka.

Si kastaba, OPEC+ ayaa heshiis gaaray Axaddii, kaasi oo dhigaya in si tartiib ah sare loogu qaado soo-saarka shidaalka caalamka laga billaabo August.

AFP + VOA

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes