Skip to content
Thursday, October 22, 2026 10 Jumada al-Ula 1448 AH Asr 15:02
Muqdisho 29°C
Breaking: U.S. Rep. Ilhan Omar to Move Out of D.C. Home After Federal Search
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Meydadka labo wiil oo laga helay magaalada Beledweyne – Caas…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Beledweyne (Axadle) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa meydadka labo wiil oo walaalo ahaa oo saacadihii lasoo dhaafay meydadkooda laga helay wabiga Shabelle ee mara magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Labada wiil ayaa shalay la waayey, xilli ay ku dabaalanayeen wabiga dhanka Kiliga Waraaballe ee xaafadda Howlwadaag , sida ay sheegeen dadka deegaanka.

- Advertisement -

Wararka ayaa sheegaya in haatan labadaas wiil meydadkooda laga helay dhinaca xaafadda Buunda-weyn oo ay geeyeen biyihii la tegay.

Marxuuminta ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray, Khaalid Nuur Cadow iyo Feysal Nuur Cadow, kuwaas oo maanta aas wadajir ah loogu sameeyey Beledweyne.

Maamulka gobolka iyo kan degmada ayaa marar badan horey uga tegay qataraha lagala kulmi karo biyaha uu keeno wabiga Shabelle ama in loo dabaal-tego intaba.

Si kastaba, wabiga Shabelle oo inta badan fatahaado ka geysta deegaanada HirShabelle ayaa hadane waxaa sidoo kale horey ugu geeriyooday dad u badan dhalinyaro, xilli ay ku dabaalanayeen halka qaarkood la helay meydadkooda, kuwa kalena dib looba waayey.

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes