Waakan Lambarka Jamaahiirta Arsenal La Yaabi Doonaan Ee Uu Saxeexa

Arsenal ayaa la aaminsan yahay inay dhammaystirtay saxeexa khadka dhexe ee kooxda Anderlecht ee Albert Sami Lokonga kaas oo ay hadhsan tahay in kaliya si rasmi ah loo shaaciyo.

21 sano jirkaas ayaa xilli horeba tijaabada caafimaadka uga gudbay Gunners isla markaana haatan ku jira karantiin kahor inta aan rasmi loo xaqiijin saxeexiisa.

Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa Lokonga kula soo wareegaysa heshiis 15 Milyan oo pound ah, warbixin haatan soo baxday ayaa sheegaysa inuu ciyaaryahankaasi lambar lama filaan ah xidhashadiisa kooxda ka dalbaday.

Albert Sami ayaa wargeyska Belgian-ka ah ee Nieuwsblad sheegayaa inuu Gunners u qaadan doono maaliyada No.48 isaga oo ku sababaynaya inuu xidho tirada magaalada uu kasoo jeedaa ay dunida ka xisaabsan tahay.

Iyadoo dunida oo dhan ay magaalo kastaa leedahay tiro sumad u ah (Postcode) ayay magaalada Sami Lokonga kasoo jeeda ee Verviers tahay mid xisaabsan 4800.

Tan iyo markii uu booska ka helay kooxda koowaad ee Anderlecht, 21 sano jirkaas ayaa si joogto ah u qaadanayay No.48 mana jirto wax dhaib ah oo kahor istaagaysa inuu markale kusii wato dhaqankaas Arsenal.

Kooxda tababare Mikel Arteta ayaa ah mid ay wali ka banaan yihiin lambaro badan oo muhiim ah sida 4,8,10,18,23 iyo 25.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More