Arsene Wenger Oo Talo Fiican Siiyay Mesut Ozil Ka Dib

Arsene Wenger ayaa ugu baaqay Mesut Ozil inuu durbaba isku diyaariyo kooxdiisa xigta ka dib markii uu tababare Mikel Arteta go’aan ku gaaray inuu xiddiga khadka dhexe ka reebo liiska ciyaartoyda Arsenal ee Premier League.

32 jirkaan ayaa durababa laga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee Europa League, mana lagu darin 25ka xiddig ee ay Arsenal u gudbisay Premier League maanta oo Talaado ah.

Go’aankaan ayaa la micno ah in Ozil uusan u dheeli doonin Arsenal ilaa iyo bisha Janaayo, iyadoo xiddiga khadka dhexe ay u muuqato inuu kulankiisii ugu danbeeyay u dheelay Gunners.

Wenger oo Ozil keenay Arsenal sannadkii 2013 markii uu ka soo bixiyay 42.4 milyan ginni ayaa kula taliyay xiddiga khadka dhexe inuu diirada saaro sidii uu taam ku noqon lahaa iskuna diyaariyo kooxda cusub ee uu ku biirayo.

Markii la weydiiyay sida ay tahay inuu Ozil uga jawaab celiyo haddii laga reebo liiska ciyaartoyda Arsenal ee Premier League, Wenger ayaa u sheegay Sky Sports:

“Waa inaad tababar sameyso maalin walba islamarkaana aad hubiso in heerkaaga ciyaareed uu hoos u dhicin, iskuna diyaariso inaad aado meel kale oo aad ka ciyaari karto”

Markii la weydiiyay haddii uu la hadlay Ozil, Wenger ayaa yiri: “Maya, lama hadlin isaga tan iyo markii aan baxay.

“Sababtoo ah waxaan go’aansaday inaan ka fogaado kooxda oo aan farogelin ku sameynin.

“Sida aan buugeyga ku sharaxay, marka aad koox joogto muddo dheer, waxaa muhiim ah inaad xiriirka u jarto oo aad u ogolaato inay howshooda qabsadaan.”

Wenger ayaa sidoo kale soo jeediyay in go’aanka uu Arteta uga saaray kooxdiisa Mesut Ozil inaysan aheyd mid kaliya ku koobab sababo isboorti.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More