TOP 10: Tobanka Difaac Bidix Ee Ugu Wanaagsan, Xaqiiqooyinka Diiwaanka

Xiddigihii difaaca bidix ee ugu wanaagsanaa adduunyada, waxa xasuusta dhow ay ina tusinaysaa liis aan sidaa u dheerayn oo halyeeyo ah, kuwaas oo ay hormood u ahaayeen Roberto Carlos iyo Ashley Cole.

Ciyaaryahanadda booskaas ee 20kii sannadood ee ugu dambeeyey dunida soo maray, waxa halbeeg looga dhigayay Carlos iyo kuwo kale oo ka sokow shaqadooda difaac si layaableh uga qayb-qaadanayay goolasha kooxahooda/waddamadooda.

Ma jirto si looga tirtiri karo diiwaanka goolasha ugu quruxda badan, goolkii layaabka lahaa ee Carlos ee Koobkii Adduunka 1998, halka orodkiisii iyo hab-difaacistiisuna ay ahayd layaab.

Shalay waxa aanu idiin soo gudbinay tobanka difaac midig ee ugu wanaagsanaa xilli ciyaareedkii hore. Mar kale, waxa aanu istaagaynaa dhinaca kale, iyadoo aanu idiin soo bandhigayno tobanka difaac bidix ee ugu wanaagsan.

Iyadoo aanu sidoo kale dib idiinka soo gudbin doono goolhayeyaashii, dhexdii kubbad-burburinta, kubbad-samaynta, garbaha weerarka iyo weerarka tooska ah, waxa aanu maanta dul istaagaynaa difaacyada bidix, waxaana kaalinta koowaad soo galay Andy Robertson oo Liverpool ah oo uu ku xigo Theo Hernandez oo AC Milan u ciyaara. Luke Shaw ayaa saddexaad ah, waxaana soo raaca Alphonso Davies iyo David Alaba oo dhamaystira shanta hore.

Halkan kaga bogo 10-ka difaac bidix ee ugu wanaagsan dunida:

10 Lucas Digne, Everton/France

Xogtiisa xilli ciyaareedka 2020/21

30 kulan ayuu saftay0 gool ayuu dhaliyeys7 gool ayuu caawiye ka noqday2.4 kubbadaha halista ah ee uu goolkiisa ka saaray kulan kasta1.5 baasaska goolka sababta u noqday ama u noqon karayay ee uu dhiibay kulan kasta

9 Raphael Guerreiro, Borussia Dortmund/Portugal

Xogtiisa xilli ciyaareedka 2020/21

25 kulan ayuu saftay5 gool ayuu dhaliyeys10 gool ayuu caawiye ka noqday0.9 kubbadaha halista ah ee uu goolkiisa ka saaray kulan kasta2.0 baasaska goolka sababta u noqday ama u noqon karayay ee uu dhiibay kulan kasta

8 Ben Chilwell, Chelsea/England

Xogtiisa xilli ciyaareedka 2020/21

27 kulan ayuu saftay3 gool ayuu dhaliyeys5 gool ayuu caawiye ka noqday1.7 kubbadaha halista ah ee uu goolkiisa ka saaray kulan kasta1.1 baasaska goolka sababta u noqday ama u noqon karayay ee uu dhiibay kulan kasta

7 Jordi Alba, Barcelona/Spain

Xogtiisa xilli ciyaareedka 2020/21

34 kulan ayuu saftay3 gool ayuu dhaliyeys5 gool ayuu caawiye ka noqday0.9 kubbadaha halista ah ee uu goolkiisa ka saaray kulan kasta1.5 baasaska goolka sababta u noqday ama u noqon karayay ee uu dhiibay kulan kasta

6 Alex Sandro, Juventus/Brazil

Xogtiisa xilli ciyaareedka 2020/21

20 kulan ayuu saftay2 gool ayuu dhaliyeys1 gool ayuu caawiye ka noqday2 kubbadaha halista ah ee uu goolkiisa ka saaray kulan kasta0.7 baasaska goolka sababta u noqday ama u noqon karayay ee uu dhiibay kulan kasta

5 David Alaba, Bayern Munich/Austria

Xogtiisa xilli ciyaareedka 2020/21

30 kulan ayuu saftay2 gool ayuu dhaliyeys3 gool ayuu caawiye ka noqday1.8 kubbadaha halista ah ee uu goolkiisa ka saaray kulan kasta0.9 baasaska goolka sababta u noqday ama u noqon karayay ee uu dhiibay kulan kasta

4 Alphonso Davies, Bayern Munich/Canada

Xogtiisa xilli ciyaareedka 2020/21

22 kulan ayuu saftay1 gool ayuu dhaliyey2 gool ayuu caawiye ka noqday1.2 kubbadaha halista ah ee uu goolkiisa ka saaray kulan kasta0.9 baasaska goolka sababta u noqday ama u noqon karayay ee uu dhiibay kulan kasta

3 Luke Shaw, Manchester United/England

Xogtiisa xilli ciyaareedka 2020/21

30 kulan ayuu saftay1 gool ayuu dhaliyey5 gool ayuu caawiye ka noqday1.2 kubbadaha halista ah ee uu goolkiisa ka saaray kulan kasta2.3 baasaska goolka sababta u noqday ama u noqon karayay ee uu dhiibay kulan kasta

2 Theo Hernandez, AC Milan/France

Xogtiisa xilli ciyaareedka 2020/21

33 kulan ayuu saftay7 gool ayuu dhaliyeys5 gool ayuu caawiye ka noqday1.5 kubbadaha halista ah ee uu goolkiisa ka saaray kulan kasta1.3 baasaska goolka sababta u noqday ama u noqon karayay ee uu dhiibay kulan kasta

1 Andy Robertson, Liverpool/Scotland

Xogtiisa xilli ciyaareedka 2020/21

38 kulan ayuu saftay1 gool ayuu dhaliyey7 gool ayuu caawiye ka noqday1.8 kubbadaha halista ah ee uu goolkiisa ka saaray kulan kasta1.7 baasaska goolka sababta u noqday ama u noqon karayay ee uu dhiibay kulan kasta

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More