Skip to content
Tuesday, October 20, 2026 8 Jumada al-Ula 1448 AH Maghrib 17:45
Muqdisho 27°C
Breaking: Somali Future Council Rejects 2027 Election Timetable, Warns of Further Political Action
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia Af-Soomaali

Iska hor-imaad cusub oo dhexmaray ciidamada dalalka Azerbaij…

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Baku (Axadle) – Armenia iyo Azerbaijan ayaa Talaadadii isdhaafsaday eedeymo ku saabsan cidda billowday iska horimaad askar ay uga dhaawacmeen labada dhinac oo xuduudda ku dhex-maray.

Waa dhacdadii ugu dambeysay xiisad dhowaanahan kordheysay kadib dagaalkii sanadkii tegay labada dhinac ku dhex-maray gobolka Nagorno-Karabakh.

- Advertisement -

Dagaalkii Nagorno-Karabakh, oo ah gobol ka tirsan Azerbaijain balse ay degan yihiin dad Armenian ah, ayaa dilay ku dhowaad 6,500 qof kahor inta bishii November lagu dhammeyn xabad joojin ay dhex-dhexaadisay Russia, oo Armenia ay dhul badan ugu gacan gelisay Azerbaijan.

Madaxa shaqaalaha madaxtooyada Armenia, Samvel Asatryan ayaa Talaadadii weriyayaasha u sheegay “in ciidamada Azerbaijain ay xabado ku fureen meel ku dhow xaafadda Verin Zhorzha” ee degmada Gegarkunik ee bariga Armenia.

Hal askari oo Armenian ah “ayaa dhaacwayo fudud ay kasoo gaareen iska horimaadka.”

Wasaaradda Difaaca Azerbaijan ayaa markii hore beenisay warbixintan, hase yeeshee waxay xalay tiri “ciidamada Armenia waxay rasaas kusoo fureen goobo ay ku sugan yihiin ciidamada Azerbaijan ee xaafadda Aligaly ee degmada Agdam.”

“Waxaa rasaastaas ka dhashay dhaawaca hal askari oo ka mid ah ciidamada Azerbaijan,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda. 

Xiisadda Baku iyo Yerevan ayaa sare u kacsaneyd tan iyo bishii May, markaasi oo Armenia ay ku eedeysay militariga Azerbaijan inay kasoo gudbeen xuduudda koonfureed “si ay isugu diyaariyaan qabsashada” dooxo ay labada dal wadaagaan.

AFP + VOA

Sidee u aragtaa warbixintan?

0 votes