“Waxaan Jeclaan Lahaa Inaan Man City U Ciyaaro Sababtoo Ah….” –

Da’yarka kooxda Barcelona ee Riqui Puig ayaa ka hadlay kooxda uu u ciyaari lahaa haddiiba uu doorto koox aan ka ahayn Barca waxaana uu tilmaamay Manchester City.

21 sano jirkaas ayaa xilli horeba xubin ka ah safka Barcelona isaga oo kasoo najaxay kuliyada caanka ah ee kooxdaas ee La Masia.

Laakiin isaga oo ku mashquulsan sidii uu booskiisa Barcelona ku xaqiiqsan lahaa, Puig ayaa sidoo kale ka hadlay suurogalnimada uu ugu ciyaaro karo Man City.

Riqui Puig ayaa sheegay in sababta uu Man City u dooranayo ay tahay qaabka ay u ciyaaraan iyo tababare Pep Guardiola oo ay isku si u fahamsan yihiin kubadda cagta.

Puig oo la hadlayay Mundo Deportivo ayaa yidhi isaga oo su’aasha ah kooxda uu u ciyaari lahaa ka jawaabaya “Sababtoo ah qaabka ay u ciyaaraan iyo sababtoo ah inay haystaan tababare kubadda cagta u fahma qaabka aan anigu u fahmo, Manchester City”

“Laakiin wakhtigan anigu aad ayaan ugu wanaagsanahay Barcelona iyo joogista Barca, ma lihi wax qorshayaal ah oo aan ku baxayo”

Sababtoo ah xaalada dhaqaale ee adag ee ay Blaugrana dhex taagan tahay, xiddigaha da’yarta ah ee kooxdaas ayaa haysta fursad fiican oo ay sanadaha soo socda boosaskooda kooxda ku qabsan karaan, Puig iyo Pedri ayaa noqon kara lamaane wakhti dheer ah oo khadka dhexe ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More