Wararka SUUQA: Klopp Iyo Guardiola Oo Ciyaaryahan Ku Tartamaya,

Manchester City garabkeeda weerar ee Raheem Sterling ayaa u furan dalabaadka uu kaga tagi karo kooxda xagaagan laakiin tababare Pep Guardiola ayaa doonaya inuu sii joogo walow uu xiiso ka helayo Real Madrid. (Athletic – subscription required)

Gareth Bale oo 31 sano jir ah ayay macquul tahay inuu kubadda cagta ka hawl gabo xagaaga dambe marka uu heshiiska uu toddobaadkii £600,000 ku qaato ee Real Madrid ka dhaco, warar badan ayaa laga sheegayay mustaqbalkiisa tan iyo markii uu heshiiskii amaahda ahaa ee Tottenham dhammaystay. (Mail)

Crystal Palace ayaa furtay wadahadalada ay ku doonayso 18 sano jirka weeraryahanka ah ee Man City ee Morgan Rogers xilli uu tababare Patrick Vieira doonayo inuu hoos u dhigo da’da xiddigaha safkiisa xilli ciyaareedka dambe. (Mail)

Khadka dhexe ee xulka England ee Kalvin Phillips oo 25 sano jir ah ayaa ku faraxsan Leeds United sida uu sheegay wakiilkiisu. (The i newspaper)

Chelsea iyo Arsenal ayaa labaduba baadi-goobaya daafaca dhexe ee Bayer Leverkusen ee Edmond Tapsoba, 22 sano jirkaas ayaa sheegay inaan wali wax dalab ah oo xoogan laga soo gudbin oo uu xilli ciyaareedka la bilaaban doono kooxda ree Germany. (Metro)

Aston Villa ayaa aaminsan inay heshiiska 20 sano jirka khadka dhexe ee Arsenal ee Emile Smith Rowe dhammaystiri karto iyadoo dalabkii saddexaad ka gudbinaysa. (Football Insider)

Southampton ayaa kalsooni ku qabta inay dhammaystiri doonto heshiis amaah ah oo ay Man United kaga qaadanayso daafaca Brandon Williams, Saints ayaa xagaagii hore doonayay 20 sano jirkaas balse United ayaa diiday wakhtigaas. (Mail)

Barcelona ayaa Chelsea usoo bandhigi doonta fursada ay kula saxeexanayso Antoine Griezmann xilli ay kooxdaas oo dhaqaale ahaan xaalad adag ku jirtaa ay ku dhibtoonayso inay heshiis cusub ka saxeexato Lionel Messi. (Star)

Si kastaba, madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa sheegay inay waxkastaaba si fiican u socdaan marka ay noqoto arrimaha heshiis kordhinta Messi oo qandaraaskiisii kooxdu toddobaad kahor dhacay. (Marca)

Manchester United iyo Arsenal ayaa isha ku haya inay u dhaqaaqaan daafaca Barcelona ee Samuel Umtiti kaas oo aan ku jirin qorshayaasha tababare Ronald Koeman. (Star)

Liverpool ayaa diyaar u ah inay Man City kula tartanto saxeexa 27 sano jirka ree Poland iyo kooxda Napoli ee Piotr Zielinski oo xilli ciyaareedkii hore Serie A 8 gool iyo 10 caawimo kasoo sameeyay. (Calciomercato – in Italian)

Tottenham ayaa kordhisay dedaalada ay ku doonayso 31 sano jirka Barcelona ee Miralem Pjanic, dhawr kooxood oo kale ayaa doonaya saxeexa xiddiga Bosnian-ka ah waxaana kamid ah kooxdiisii hore ee Juventus.(Sport via Sport Witness)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More